Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xuska sanadguurada 50-aad ee aasaaska Midowga Afrika oo Muqdisho lagu qabtay iyo Madaxweyne Xasan Sh oo ka qaybagalay

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Xuska Sanad-guuradii 50-aad ee kasoo wareegtay  aasaaska ururka Midowga Afrika ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya gaar ahaan taliska  ugu weyn ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee Xerada Xalane.

Munaasabada ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynah dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,munaasabadda ayaa waxaa soo abaabulay xafiiska Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ee uu hormuudka ka yahay safiirka midowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed Saalax Annadif.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabada xuska 50-guuradii kasoo wareegtay aasaaska ururka midnimada Afrika oo markii hore la oran jiray OAU balse mardanbe loo bixiyey AU kaasoo shir ka dhacay magaalada Addis ababa lagu unkay sanadkii 1963-dii.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dalka ayaa ku dheeraaday ka hadlida doorkii muuqday ee Soomaaliya ay ku lahayd arimaha qaarada Afrika wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya lagu xasuusto doorkii weynaa ee ay ka ciyaartay xoreynta dalal badan oo qaarada ku yaalla,madaxweynaha ayaa xusay in abaalkii ay Soomaaliya u gashay wadamada Afrika iney ka jawaabeen iyagune ay maanta askartooda usoo direen sidii ay dalka Soomaaliya uga saari lahaayeen dhibaatada dhabada dheeraatay ee uu dalku ku raagay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan aasaaskii ururka midowga Afrika  u diray dhammaan wadamada qaaradda  Afrika,wuxuuna tilmaamay in dowladdii Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ka dhistay Xaafada (African Village) oo loogu tala galay iney dagaan madaxdii qaaradda ee snadkii 1974 ku shirayey magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho halkaas oo uu tilmaamay iney markii danbe ahayd goob ay laga fuliyo hawlaha ururka midowga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay iney ku rajo weyn yihiin in Mustaqbalka dhow Soomaaliya lagu qabto shirarka qaaradda Afrika,wuxuuna midowga Afrika ku ammaanay sida ay isku garabtaageen shacabka Soomaaliyeed,midowga ayaa Soomaaliya usoo diray ciidan ku hawlgala magaca AMISOM kuwaas oo gobolo badan oo dalka ah ka saaray alshabaab.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles