Wajeer(RBC Radio) Shacabka ku dhaqan magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyiga barri ee dalka Kenya ayaa dhigay Mudaharaad ballaaran kaasoo ay kaga cabanayaan falalka amni xumo ee kusoo batay magaaladaas,boqolaal ruux oo u badnaa haween iyo Carruur ayaa iskugu soo baxay magaalada Wajeer kuwaas oo ka cabanayey amni xumada ka taagan magaalada Wajeer.
Shacabka ayaa ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah dowladda dalka Kenya gaar ahaan ciidamada nabadgalyada ee booliska dalkaas oo ay ku eedeeyeen iney ka gaabiyeen wax ka qabashada dhibaatada amni xumo oo ay magaaladaas ka geystaan kooxo aan haybtooda al aqoon kuwaas oo dilal dhowr ah ka geystay gudaha magaalada Wajeer ee gobolka waqooyiga bari ee dalka Kenya ee ay Soomaalidu dagto.
Dadka dibad-baxa dhigayey ayaa sheegay in ciidamada booliska dalka Kenya ay gacma ka laabteen wax ka qabashada dhibaatada ay sheegeen in lagu hayo shacabka magaaladaas,waxayna sheegeen in ciidaka boolisku hadii aysan kasoo bixi karin shaqadii ay bulshada u hayeen ay iskaga tagaan magaalada si ay shacabku u sugaan amnigooda
Waxayna tilmaameen in ciidanka booliska halkii ay shacabka magaalada Wajeer ka difaaci lahaayeen dadka dhibaatada ku haya ay ciidanka laftoodu shacabka dhibaateeyaan,waxayna sheegeen in falalka nuucaas ah aysan u dul qaadan doonin shacabka ku nool magaalada Wajeer, Dibadbaxayaasha ayaa sheegay iney muhim tahay in qof walba oo ku dhaqan magaalada uu qayb ka qaato xaqiijinta nabadgalyada Wajeer.
Tan iyo wixii ka danbeeyey markii dowladda Kenya ay go’aansatay iney ciidankeeda Difaaca usoo dirto gudaha dalka Soomaaliya si ay ula dagaalamaan alshabaab ayaa waxaa kusii badanayey magaalooyinka waaweyn ee dalkaas gaar ahaan gobolka Soomaalidu dagto ee waqooyiga bari falal amni xumo oo la aaminsan yihiin iney ka danbeeyaan alshabaab oo wacad ku maray in Kenya aysan nabad ku ladi doonin kadib markii ciidanka Kenya ay alshabaab ka saartay magaaladii laf dhabarka u ahayd ee Kismaayo oo ay ka heli jireen dhaqaalo fara badan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho