Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka hadlay xornaanshaha wadooyinka qaar oo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka mamnuuceen adeegsiga gaadiidka dadweynaha arintaas oo saamayn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqii ganacsiga xawliga ku socday ee wadada Makka Al-Mukarama oo loo diiday isticmaalka gaadiidka dadweynaha.
Gudoomiye tarsan ayaa sheegay in dhawaan magaalada Muqdisho lagu arki doono ciidan gaara oo sugi doona amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay in maamulka gobolka Banaadir uusan marnaba raali ka noqon doonin sida ay hadda wax u socdaan ee la doonayo in lagu sugo amniga magaalada.
“Xal maaha darbi la xirxiray iyo wadooyin la jaray sidaasne amnigu kuma sugmayo,ma ogolaan doono in magaalada la kala xiro,si deg deg ah ayaan u fureynaa wadooyinka la xiray” ayuu yiri gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan,wuxuuna intaa kusii diray in jid la xiraa aysan ahayn xalka lagu sugi karo amniga caasimadda.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dhanka kale sheegay in magaalada ay yaallaan Isbaarooyin dadka lagu dhibo kuwaas oo uu sheegay iney qaar kamid ah u yaallaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Maleyshiyaad aan cidne ka amar qaadan kuwaas oo ku labisan direeska Tuutaha ciidamada.
Wuxuuna ku nuuxnuuxsaday iney la dagaalami doonaan kooxaha caadeystay dhibaateynta shacabka ah,wuxuuna ballan qaaday in sharciga la horkeeni doono,Tarsan ayaa tilmaamay inuu abaabul xoog leh ka bilaabayo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kaasoo lagu wacyi galinayo bulshada magaalada si kor loogu qaado bilicda iyo horumarka kale ee magaalada.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho