Muqdisho(RBC Radio) Xildhibaanadii ku adkeystay Mooshinkii ay xukuumadda ka keeneen ayaa sheegay iney mar kale soo celin doonaan Mooshinka ay ku doonayaan iney ku ridaan xukuumadda R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo shalay la doonayey in codka kalsoonida loo qaado balse aysan suurta galin kadib markii intii badneed mudanayaashii Mooshinka horkacayey lagu qanciyey iney ka laabtaan go’aankaas.
Wuxuuna xildhibaanku carrabka ku adkeeyey ineysan ka hari doonin xukuumadda R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon isla markaane ay u furan tahay iney markii ay rabaan ay Mooshin ka keeni karaan,wuxuuna sheegay in fashilka ku yimi Mooshinkii ay wadeen uu ka danbeeyey kadib markii la kala qayb qaybiyey mudanayaashii Mooshinka waday sida uu yiri.
Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo shalay ku ballansanaa iney codka kalsoonida u qaadaan xukuumadda uu hogaaminayo R/wasaare Saacid balse gudoonka baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay inuusan jirin wax Mooshin ah oo codka loo qaadayo kadib markii sida uu sheegay ay dib uga laabteen intii badneen mudanayaashii baarlamaanka ee waday Mooshinkaas ka dhanka ah xukuumadda.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho