Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka gobolka Banaadir oo shacabka ka dalbaday iney kaalin ka geystaan Mashaariicda horumarineed ee xiligan Muqdisho ka socda

$
0
0

 

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka dalbaday shacabka reer Muqdisho iney gacan weyn ka geystaan hirgalinta mashaariicda faraha badan ee ka socota magaalada taasoo dib loogu soo celinayo bilicdii magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ee dhanka maaliyadda Iimaan Nuur Iikar ahna ku simaha gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho dib u xasuusiyey waayihii adkaa ee ay caasimaddu soo martay iyo horumar la’aanta ka jirtay.

Wuxuuna tilmaamay in xiligan ay magaalada Muqdisho ka socdaan mashaariic baaxad leh oo dib loogu soo celinayo adeegyadii muhimka ahaa ee waxbarashada,caafimaadka iyo wadooyinka,wuxuuna ka codsaday shacabka reer Muqdisho iney kaalin weyn ka qaataan sidii ay u hirgali lahaayeen mashaariicda ay dalka ka wadaan dalalka iyo hay’adaha shisheeye.

Wuxuuna sidoo kale xusay in si loo hormariyo magaalada Muqdisho ay la gudboon tahay shacabka ku dhaqan caasimadda iney ka muuqdaan dadaalada lagu hormarinayo magaaladooda,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in magaaladu ay kasoo kabaneyso colaadihii ragaadiyey 22-kii sano ee ina dhaafay.

Muqdisho ayaa waxaa xiligan ka socda mashaariic hormarineed oo intooda ugu badan ay waddo dowladda dalka Turkiga,taasoo dayactir ku wada wadooyinka magaalada Muqdisho,dhismayaasha muhimka ah ee dowladda,Isbitaallo iyo goobo waxbarasho,waxaana sidoo kale mashaariic dib u dhis iyo ganacsi xooggan magaalada ka wada gacansatada Soomaaliyeed iyo qurba joogta kadib markii uu hagaagay amniga caasimadda.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles