Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arinta la xiriirta midnimada Soomaaliya,
Madaxweyne Xasan Sheekh
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ay u mideyn lahayd ummadda Soomaaliyeeed.
“Soomaaliya oo mid ah ayaan dadaal ugu jirnaa,meel walba ayaan u mareynaa,qof walba oo mustawa kasta leh waan la fariisaneynaa waxaana diyaar u nahay inaan qancino taasine waa aayaha dalkeenna” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo sii hadlaya ayaa yiri”Hadii shalay ay wax naga hallaabeen,yeysan maanta wax badan oo kale inaga hallaabin, aan hagaajinno mustaqbalka ina horyaalla” wuxuuna intaa ku daray isaga oo sii hadlaya iney wanaagsan tahay in waqtiga laga faa’iideysto.
“Shalay wixii dhacay yeynaan ka raaricin ,waxaan ina hortaalla Berri qurux badan ee aan u diyaar garowno islana ilowno wixii hore u dhacay” ayuu markale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh maxamuud ayaa xusay iney habboon tahay inaan lagu dhagganaan dhibaato sida uu sheegay ay suurta gal tahay in dadkii geystay intooda badan aysan dunida dusheeda kunooleen sida uu tilmaamay,wuxuuna ku celceliyey iney lama huraan tahay midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Siilaanyo
Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ka hadlayey munaasabadda xuska 22-guurada kasoo wareegtay markii uu maamulka Soomaaliland ku dhawaaqay inuu ka go’an Soomaaliya inteeda kale ayaa ku dheeraaday midnimada Soomaalida wuxuuna sheegay in Soomaaliland ay tahay qaran xor ah, nabdoon isla markaane Dimuquraadi ah sida uu hadalka u dhigay kana madax bannaan Soomaaliya inteeda kale.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa eed kulul u jeediyey wadamada beesha caalamka oo uu sheegay iney iska indha tireen rabitaanka shacabka Soomaaliland”beesha caalamka waxaan leenahay dadkayagu waxa ay u tashadeen aayahooda,waxayna soo ceshadeen xoriyadoodii maaha in beesha caalamku ay iska indha tiraan doonista bulshada Soomaaliland” sidaasi waxaa yiri madaxweynaha maamulka Soomaaliland.
“dadkayagu waxay leeyihiin xuquuqda dadyowga kale,Soomaaliland ma dhalan maanta ee waxay halgan dheer usoo gashay sidii ay kusoo ceshan lahayd xorriyadeeda waxayna xaq u leedahay iney taageero uga hesho beesha caalamka”ayuu yiri madaxweynaha maamulka Soomaaliland.
“Midnimada maanta laga hadlayo dadkan ayaa horseed u ahaa iyada oo ay niyadooda ka buuxdo walaalnimo iyo rumeynta riyadii raadinta Soomaaliweyn” ayuu mmarkale yiri madaxweyne Siilaanyo.
Wuxuuna sheegay in midnimadaasi ay dhicisowday isla markiiba kadib markii sida uu sheegay iney Soomaalida Koonfureed hagar daameeyeen ,wuxuuna ku eedeeyey masuuliyiintii goboladii Koonfureed ee dalka Soomaaliya iney inqilaabeen midnimadii iyo israacii gobolada Waqooyi iyo Koonfur.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa xusay dhacdooyin dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen dilal wadareedyo loo geystay shacabka deegaanada waqooyi,duqeyn ay milaterigii Soomaaliya ka geysteen magaalada Hargeysa iyo dhibaatooyin kale oo uu sheegay in loo geystay shacabka ku dhaqan deegaanada waqooyiga.
“Hindisaha midnimada annaga ayaa keenay oo dan moodeynay waana nala nacsiiyay israaca iyo midnimada waanune idinka aamin baxnay,diyaarne uma nihin inaan ka hadalno riyadii beenowday ee mideynta Soomaaliweyn” ayuu yiri madaweyne Axmed Siilaanyo.
Madaxweynaha maamulka Soomaaliland oo ay dheereed khudbadiisa ayaa kusoo gabagabeeyey in gooni isu taagga Soomaaliland uu yahay mid muqaddas ah,wuxuuna carrabka ku adkeeyey in midnimadii ay dhammaatay xiligane ay haboon tahay inaan walaalnimada la seegin sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna ku taliyey in Soomaalidu ay ahaato dowladu kala gaar gaar ah oo iskaashada sida dalalka Carbeed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho