Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka Galmudug oo Awaamiir kasoo saaray qaabka loo qaadayo Imtixaanka Shahaadiga ah oo ka bilowday deegaanada uu ka arimiyo

$
0
0

 

Gaalkacyo(RBC Radio) Maamulka Galmudug ayaa amaro ka soo saaray qaabka ay u dhacayso Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada hoose iyo Sare ee ku yaalla deegaanada uu maamulkaasi ka arimiyo,xili uu shalay deegaanada Galmudug si rasmi ah uga bilowday Imtixaanka Shahaadiga ah ayaa waxaa amaro ku saabsan siyaabaha ay ardeydu u galeyso imtixinaadkaas soo saaray wasaaradda waxbarashada iyo barbaarinta Galmudug.

Wasiirka waxbarshada iyo barbaarinta maamulka Galmudug Maxamed C/qaadir Xaashi oo warbaahinta la hadlay ayaa ka digay Musuqmaasuq uu sheegay in dugisyada waxbarashada qaarkood ay ku sameeyeen habka uu u dhacayo Imtixaanka kama danbeysta ah ee dugsiyada Dhexe iyo Sare.

Wuxuuna tilmaamay iney amar ku bixiyeen hadane ay celinayaan in tallaabo adag laga qaadi doono ciddii isku dayda iney wax isdaba marin ku samayso qaabka loo qorsheeyey iney u dhaco qaadista Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada ku yaalla deegaanada uu ka arimiyo maamulka Galmudug.

Wasiirka waxbarashada Galmudug ayaa u mahad celiyey dugsiyada qaar kuwaas oo uu sheegay iney ardayda Imtixaanka uga qaadeen si hufan oo waafaqsan awaamiirta uu soo saaray maamulkaas,wuxuuna tilmaamay iney ku ammaanayaan sida aan musuqmaasuqa lahayn ee ay Imtixaanka u qaadeen,wuxuuna ku booriyey in lagu daydo wadada wanaagsan ee ay dugsiyadaasi hayaan.

In kabadan 7 Kun oo arday ah ayaa shalay u fariistay Imtixiinka Shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo Sare ee maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya.

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles