Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan Sh oo ka hadlay arimaha Jubooyinka,gooni isu taagga Soomaaliland iyo hirgalinta nidaamka Federaalka(Daawo Sawirro)

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta hadal ka jeediyey furitaanka xarun waxbarasho oo laga furay degmada wadajir ee gobolka Banaadir isla markaane ay maalgalisay dowlada Turkiga taasoo loogu tala galay in lagu xannaaneeyo 300 oo agoon Soomaaliyeed ah ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladaha ka taagan qeybo badan oo dalka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyntii dowladda  Turkiga uga mahad celiyey dadaalka ay ka wado dalka Soomaaliya wuxuuna amar kusiiyey hay’adaha dowladda Soomaaliya iney u fududeeyaan hawlaha ay Turkigu dalka ka wadaan,wuxuuna shacabka ka dalbaday iney gacan ka geystaan fududeynta mashaariicda ay dalka ka hirgalinayaan walaalaha Turkiga.

 

Arimaha Jubooyinka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa si qota dheer uga hadlay arimaha ka taagan gobolada Jubooyinka,madaxweynaha ayaa daboolka ka qaaday in dowladdu ay muddo dheer ku dadaaleysay in dadka ku dhaqan deegaanada gobolada Jubooyinka ay helaan maamul ay u dhan yihiin kaasoo mideeya dadka wada dega deegaanadaas.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa sheegay iney Kismaayo ka taagan tahay arin ay muddo dheer ka digeysay dowladda Soomaaliya oo ah isbarbar yaac iyo khilaaf ka dhashay maamul u samaynta goboladaas,wuxuuna tilmaamay in arimaha Kismaayo ka taagan xiligan aysan ahayn kuwo u adeegayada danaha shacabka Jubooyinka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in arimaha Jubooyinka ay daba-qabsho leeyihiin isla markaane ay u baahan yihiin  xaaladaha goboladaas in si deg deg ah looga hortago dhibaato ka dhex dhacda bulshada Soomaaliyeed ee ku wada dhaqan goboladaas,wuxuuna ku celceliyey in dadka dega Jubooyinka ay yihiin dad nabadeed sidaas darteedne loo baahan yahay inaan dagaal laga hurin goboladaas.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay iney dowladdu geed dheer iyo mid gaabanba u kori doonto sidii uusan goboladaas uga dhici lahayn colaado,wuxuuna tilmaamay in magaalada Kismaayo ay hadda ku sugan yihiin wafti ay magacowday dowladda Soomaaliya kaasoo ku hawlan xalinta muranka Jubooyinka.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tibaaxay iney saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Kismaayo kala hadleen sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka dhalatay hogaanka Jubaland,wuxuuna tilmaamay iney fareen ineysan ku lug yeelan hardanka Siyaasadeed ee xiligan ka jira magaalada Kismaayo.

 

Arinta Soomaaliland

 

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxauud oo soo hadal qaaday arimaha gobolada waqooyiga Soomaaliya ee Soomaaliland ayaa sheegay in xiligan la joogo waqtigii la mideyn lahaa shacabka Soomaaliyeed isla markaane la isk hilmaami lahaa wixii hore u dhacay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daboolka ka qaaday in bulshada Soomaaliyeed ay u ooman tahay midnimo isla markaane ay dowladda Federaalku dalaal walba ku bixin doonto soo celinta Midnimadii ummadda Soomaaliyeed,wuxuuna ku taliyey in laga gudbo caadifadda iyo iskala qaybinta.

Madaxweynaha ayaa  ku booriyey shacabka iyo maamulka Soomaaliland iney isla Iloobaan wixii hore u dhacay isla markaane aysan shacabka Soomaaliyeed wax xumaan ah u qabin walaalahooda gobolada waqooyi ee Soomaaliland,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in midnimadda ummadda Soomaaliyeed ay tahay muqaddas,loona baahan yahay in waxa ay tabanayaan lagu dhammeeyo wadahadal iyo is fahan.

 

Hirgalinta Nidaamka Federaalka

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in nidaamka Federaalka hirgalintiisa aysan wax su’aal ah ka taagneen balse wuxuu shaaca ka qaaday in Federaalku uu yahay mid horaanba lagu heshiiyey isla markaane ay waajib qaran tahay hirgalintiisu.

Madaxweynaha ayaa sheegay ineysan sax ahayn dadka aaminsan in dowladdu ay diidan tahay hirgalinta nidaamka Federaalka wuxuuna carrabka ku adkeeyey in dowladda uu hogaamiyo ay ka go’an tahay meel marinta iyo ku dhaqanka habka Federaalka ee lagu wada heshiiyey.

Balse waxa uu sheegay in loo baahan yahay inaan lagu deg degin hirgalinta dastuurka wuxuuna tilmaamay in arintaasi ay tahay mid u baahan in si deggan loo wajaho ,wuxuuna daboolka ka qaaday in hadii lagu deg dego arimaha Federaalka ay ka dhalaneyso fashil ku yimaadda dhaqan galinta nidaamkaas federaaliga ah ee ay ku heshiiyeen bulshada Soomaaliyeed.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles