Muqdisho(RBC Radio) Munaasabad xariga looga jarayey dayactir lagu sameeyey xarunta maamulka degmada X/jajab ee gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay degmadaas,waxaana ka qaybgalay munaasabada lagu daah furayey dayactirka lagu sameeeyey xarunta degmada X/jajab qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada,maamulka degmadaas iyo maamulka gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha degmada X/jajab Maxamed Cali Axmed ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin dib u dayactirka casriga ah ee lagu sameeyey xarunta maamulka degmada Xamar Jajab,wuxuuna tilmaamay in arintaasi ay sare usii qaadeyso hormarinta adeegyada kala duwan ee ay u hayaan bulshada ku dhaqan degmada.
Wuxuuna ammaan ballaaran usoo jeediyey maamulka sare ee gobolka Banaadir iyo hay’adda Danguud oo iska kaashada fulinta mashruuca dib loogu dayactirayey xarunta maamulka degmada X/jajab oo uu ka muuqday burbur fara badan oo kasoo gaaray dagaaladii dalka ka dhacay.
Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ahna kusimaha gudoomiyaha gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar ayaa ku ammaanay maamulka degmadaas sida hagaagsan ee ay u maareeyeen adeegyada bulshada degmadaas,wuxuuna ku booriyey shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada Xamar Jajab iney si buuxda amniga ugala shaqeeyaan maamulka degmadaas iyo laamaha amniga dowlada Soomaaliya.
Hay’adda Danguud ayaa dib u dayactir ku samaysan dhismayaal muhim ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kuwaas oo ay saameeyeen burburkii lixaadka lahaa ee dalka ku dhacay kadib dhicididii dowladiii dhexe ee dalka sanadkii 1991-kii.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho