Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Magaaloyinka waa weyn ee Soomaaliland oo laga xused 18 May

$
0
0

Hargaysa[RBC Radio]Waxaa ay maantey ku beegned 18ka May oo  ah maalin si weyn looga xuso goballada iyo degmoyinka Somaliland.

Sanadkaan ayaa sidda ay sheegen madaxda maamulka Soomaaliland waxaa uu ka duwanyahay xusaskii hore ee loqabanjirey 18ka,waxana wali maamulka Soomaaliland uu wada daadal dher oo ay ugu jiraan madaxbanaani ay ka helen Soomaalida inteda kale,inkasto xiligaan Soomaaliya ay ka dhisantahay dowladd buuxda oo KMGka ka baxdey.

Waxaa saaka guud ahanba ay ku waa baristen magaalooyinka maamulka Soomaaliland  dabaaldagayada 22-sano guuradii kasoo wareegatay markii maamulka Soomaaliland uu ku dhawaaqay inuu ka madaxbanaan yahay Soomaaliya inteeda kale,balse ilaa iyo iminka caalamka aysan ka helin aqoonsi ku aadan Dowladd Soomaaliya ka madaxbanaan inay yihiin.

Burco ayaa sanadi 1991  looga dhawaaqay in Soomaaliland ay ka go’aday Soomaaliya inteeda kale  waxana Burco ay ka mid ahayed magaaloyinka sida weyn loga xusey maantay 18 May.

Waxaa la arkayey iyadoo madaxtooyada magaaladda Hargaysa ciidanka kala duwan ee Soomaaliland ay socod ku marayaan saaka iyadoo madaxda maamulka Soomaaliland oo ugu horeeyo Madaxweynaha maamulkaasi halkaasi ay ku qaadanayaan Salaan sharaf kala duwan.

Maxadweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilanyo”ayaa kumanan dadweyne ah kulahadlay Hargaysa waxana uu Siilanyo sheegey in 18 may ay tahay maalin ku weyn dadka Soomaaliland islamarka ay muqadis tahay sida uu sheegey goni isutaga Soomaaliland.

Waxaa guud ahanba maantay xirna inta ay socden munasabadaha lugu xusayey 18-May isusocodka gaadidka ee dhaxqadayey wadooyinka waa weyn ee magaaladda Hargaysa iyo magaaloyinka kale ee ka tirsan Soomaaliland.

 

Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles