Mudanayaasha golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan xarunta golaha shacabka kula qaatay waftiga uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamaanka Carabta Axmed Maxamed Jarwaan oo Muqdisho booqasho ku jooga,kuwaas oo shalay dalka soo gaaray.
Gudoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waftiga kusoo dhaweeyey xarunta golaha shacabka wuxuuna sheegay iney si weyn ugu faraxsan yihiin imaanshahooda magaalada Muqdisho oo ay tahay markii ugu horeysay ee ay yimaadaan wafti uu hogaaminayo gudoonka baarlamaanka Carbeed.
Gudoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay dalkooda isla markaane aysan marti ku ahayn,wuxuuna tibaaxay in baarlamaanka fderaalka ay u tahay guul taariikhi ah iney soo booqdaan gudoonka ugu sareeya baarlamaanka wadamada Jaamacadda Carabta.
Gudoomiyaha baarlamaanka Carabta Axmed Maxamed Jarwaan ayaa sheegay abaalmarin gudoonsiiyey baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna ku ammaanay dadaalka wax ku oolka ah ee ay muujiyey mudadii koobneed ee uu jiray baarlamaanka federaalka Soomaaliya,wuxuuna shaaca ka qaaday iney ka dhabayn doonaan ballan qaadyadii iyo go’aanadii lagu taageerayey Soomaaliya kuwaas oo kasoo baxay shirakii ugu danbeeyey ee baarlamaanka Carabta.
Waftiga uu horkacayo gudoomiyaha baarlamaanka Carabta Axmed Maxamed Jarwaan ayaa inta ay ku guda jiraan booqashada ay ku joogaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxa lagu wadaa iney kulamo la qaataan madaxda ugu sareysa dalka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho