Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

DEG DEG:Wafti ka socdey urur-goboleedka IGAD oo gaarey Kismaayo lana kulmay Madaxweyne Axmed Madoobe

$
0
0

Kismaayo[RBC Radio]Wararka inaga soo garaya magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa soo sheegaya in wafdigiii ka socday urur-goboleedka IGAD oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho maantey inay kulamo la qaaten madaxweynaha cusub ee maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo ku xigeenkiisa, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo saxiixayaasha maamulka Jubbaland.

 

Waftigaan ayaa barqadii maanta ka ambabaxen magaaladda Muqdisho waxana hor kacayey xog-hayaha guud ee urur-goboleedka IGAD Maxbuub Macallin,xiligii ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa halka kusoo dhaweyey xubno ay ka mid ahaayen  madaxweynaha cusub ee maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo ku xigeenkiisa, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Ergadii soo dhistey maamulka Jubbaland.

 

Kulan saacad qatey ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ku dhex marey masuuliyinta maamulka Jubba-land sida Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo ku xigeenkiisa, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

 

Illaa iyo xiligaan lama shaacin arrimaha ay isla soo qaden waftiga ka socdey urur-goboleedka IGAD iyo masuuliyinta maamulka Jubba-land.

Wafdiga ayaa lasheegey  inay booqdaan xarunta jaamacadda Kismaayo iyagoo halkaas kula kulmi doona ergooyinka soo dhistey maamulka Jubbaland,waxan ay qiimeyn  ku sameyn doonan  sida ay u dhacday doorashada dhawaan ka dhacdey Kismaayo taaso lugu magacaabey madaxweynaha Jubbaland.

Waftiga ayaa lugu wadaa inta ay ku suganyihiin magaaladda Kismaayo inay galinka danbe ee maantey kulamo la qaatan maamulka Jubbaland iyo guddiga xaqiiqo raadinta ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ay u dirtay Kismaayo kulankan oo ka dhici doona garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.

 
Waxii war ah ee ku soo kordha booqashada waftiga ka socda urur-goboleedka IGAD ee Kismaayo maantey garey kala soco Raxanreeb.com.

 

Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles