Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Saxafiyiinta Galmudug oo tababar Gaalkacyo loogu soo xiray(Sawirro)

$
0
0

Gaalkacro[RBC Radio]Koonfurta magaaladda Gaalkacyo waxaa tababar logu soo gaba gabeyey saxafiyiinta Galmudug waxana tababarka u qabatay hay’adda Relief International.

Tababarkan oo mudo labo bari ah ka socday Hotel Embasy ee Magaalada Gaalkacyo ayaa wuxuu ku saabsanaa horumarinta saxaafada waxaa bixinayay khuburo dhinaca saxaafada ah iyo hawlwadeenada Hay’adda Releif International ee Mashruuca Media-yaha.

Kulankan oo ay ka qaybgaleen saxafiyiin farabadan oo ka socotay warbaahinta Galmudug ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa furitaankiisii ka soo qaybgalay Wasiirka Warfaafinta ee Galmudug Axmed Maxamud Axmed (Baasto), Guddoomye ku xigeenka gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Axmed Shire, Xildhibaan Cilmi Kulan Geedi oo ka mid xildhibaanada Baarlamaanka ee Galmudug ahna khabiir dhinaca Saxaafada ah iyo xubno kaloo farabadan.

Tababarkan oo loogu magic daray Media Development Workshop ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay duruus iyo dodo la xiriirta Warbaahinta, siyaabaha ay u shaqayso, Horumarka ay samaysay mudooyinkii  ugu  dambeeyay, Mabaadiida Asaasiga ah ee Saxaafada, Saxafiga Wanaagsan iyo waxa laga doonayo, Xoriyada Saxaafada, Saxaafada iyo Technologiyada, Qaybaha Saxaafada, Caqabadaha Saxaafada horyaala iyo mawduucyo kaloo farabadan.

Mudadii labada maalmood ahayd ee uu shirkan socday waxay ka qaybgalayaashu iswaydaarsadeen aqoontooda iyo afkaartooda mawduucyada xirfadoodan Saxaafada ku salaysan.

Inkastoo uusan ahayn Tababarkii ugu horeeyay ee hay’adda relief International ka fuliso deegaanada Galmudug, hanadana sida ay Masuuliyiinta hay’addu sheegeen wuxuu qayb ka yahay Mashruuca MEDIA-yaha ee hay’addu ay ku horumarinayso Saxaafada Puntland iyo Galmudug.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee maamulka Galmudug axmed Shire oo shirkan ka hadlay ayaa aad ugu dhiirigaliyay saxafiyiintan shaqada ay bulshada u ahayaan, wuxuuna tusaaleeyay sidii ay u shaqayn jirtay Saxaafadii bari-samaadkii iyo Erey bixinta ay isticmaali jirtay.

Guddoomiye ku xigeenku wuxuu u soo jeediyay dhalinyaradan in ay shaqadooda ku dabakhaan aqoontii ay faa’idaysteen mudadii uu tababarkani socday, wuxuuna u sheegay in ay yihiin kuwa bulshada ku haga wada wanaagsan ee horumarka leh.

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Galmudug mudane Axmed Maxamuud Axmed (Baasto) oo kulan furitaankiisii iyo gabagabadiisiiba hadalo ka jeediyay ayaa ugu horayn u mahad celiyay hay’adda Relief International kuna amaanay dadaalka dhiiran ee ay uga qaybqaadanayso horumarinta Saxaafada Galmudug.

01 01 03 06 08 09 1 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 2 20 21 22 23 24 25 26 27 27_1 28 29 3 5 8 9

Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles