Kismaayo (RBC Radio) Xaflad balaaran oo maanta ka dhacday xarunta Jaamacada ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu dhaariyay madaxwayne ku xigeenka koobad ee ay yeelanayso dawlada Jubbaland.
Waxaana xaflada goobjoog ka ahaa Madaxwaynaha Dawlad Goboledka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa R/Wasarahii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid, Maxamed Ibrahim Shakuul oo kamid ahaa musharixiintii u tartarmeysay Madaxweynenimada Jubbaland, waxaa kulanka joogay madaxdii gudiga farsamada iyo dhamaan Ergooyinka doortay madaxwaynaha Jubbaland, iyo odaayal waxgarad aqoonyahano badan.
Dharinta Madaxwayne ku xigeenka Jubbland Jeneraal Cabdulaahi SH Ismaacil Fartaag kadib ayaa waxaa khudbad xasaasi ah goobta ka jeediyay Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam waxaana uu sheegay in dhaarinta Madaxwayne ku xigeenka ay bilaw u tahay dawlad sal balaaran oo uu sheegay in dhawaan lasoo dhisidoono.
Waxaana uu intaa raciyay in magacabista ku xigeenkiisa ay soo dadajisay culayso siyasaded oo jira iyo marxaladaha adage e tagan.
Sidoo kale waxaa isna goobta ka hadlay Madaxwayne ku Xigeenka Jubbaand Jeneraal Cabdulaahi SH Ismaacil Fartaag waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in maanta loo dhaariyoXilkaas waxaana uu ku daray in hawl adag oo u baahan in waxyaabo badan la xaliyo waxaana uu sheegay in uu ku dadaali doono inla dhameeyo caqabadaha hada taagan.
Maxamed SH Ibraahim Shakuul oo ahaa musharax u taagan xilka Madaxwaynaha jubbaland kana mid ahaa dadkii tanaasulay ayaa waxa uu goobta ka yiri.
“Waan ku faraxsan nahay talaabada wanaagsan ee uu Madaxwaynahu qaaday ee uu ku doortay masuul karti leh, aniga waan tageersanahay go’aanka madaxwaynaha iyo guusha uu garay waxanan aaminsanahay in ku xigeenkiisu uu yahay nin kasoo bixi kara hawsha culus Alana uu uga baryayo in uu labadoodaba uu la garab galo”.
Dhamaan dadkii goobta isugu yimid ayaa wajiyadoda waxaa laga dheehanayay in ay ku faraxsan yihiin dharinta Madaxwayne ku Xigeenka Jubbland Jeneraal Cabdulaahi SH Ismaacil Fartaag .
RBC Radio
Kismaayo