Kismaayo (RBC Radio) Siyaasi Sowjar oo ah aqoonyahan ku nool dalka Mareykanka isla markaasna kamid ahaa musharaxiintii u tartamaysay Xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa maanta si kulul uga hadlada wareysi uu dhawaan bixiyey Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdikariin Xuseen Guleed.
Siyaasi Sowjar ayaa waxa uu wareysiga wasiirka ku tilmaamay hadal masuuliyada daro ah.
“Waxaan halkaan ku dhaleecenayaa Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdikariin Xuseen Guleed hadalkii uu idaacadaha ka yiri ee uu ku tilmaamay Dowlada Jubbaland mid qabiil gaar ah leeyahay, wasiirka waxa uu u hadlay si masuuliyad daro ah, waxa ayna soo celin kartaa dagaaladii qabaliga ahaa oo ay Soomaaliya ka soo gudubtay”.
Waxa uu kaloo yiri Siyaasi Sowjar
“Hadalada kasoo yeeraya wasiir Cabdikariim waxa ay abuurayaan xasilooni daro iyo kala fogaansho dhamaan shacabka umada Soomaaliyeed , dadka Soomaaliyeed uma baahna in la xasuusiyo dagaaladii sokeeye ee abuuray burburka iyo dhibaatada umada Soomaaliyeed ilaa maanta heysata, sidaas daraadeed waxaan xasuusinayaa mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed in uu u yahay wasiir dhamaan umada Soomaaliyeed”.
Dhanka kale Siyaad Sowjar waxauu taageerey una hanbalyeeyey madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.
Kismaayo
RBC Radio