Muqdisho(RBC) Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliaya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay kaga hadleen ajandayaal dhowr kulanka maanta ayaa waxaa shir gudoominayey afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxaana soo xaadiray kulanka baarlamaanka ee maanta 149 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ajandayaasha shirka ayaa waxaa ka mid ahaa ka warbixinta gudoomiye Jawaari Safaradii uu dalka dibadiisu ku tagay,mooshin ay xukuumada ka keeneen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka,qaybinta qoraalo ay soo gudbisay wasaarada maaliyadda oo ku saabsan Miisaaniyadii 3-dii bilood ee ina dhaafay iyo kamid noqoshada baarlamaanka caalamka ee” IBU”.
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan ayaa mudanayaasha baarlamaanka uga warbixiyey safaradii uu ku tagay wadanka Turkiga iyo kulamadii uu lasoo qaatay madaxda ugu sareysa dalka Turkiga,wuxuuna tilmaamay in safarkaas uu kusoo dhamaaday guul.
Jawaari ayaa beelaha Soomaaliyeed ka dalbaay iney soo buuxiyaan boosaska ay banneeyeen mudanayaasha kala ah Axmed Ismaaciil Samatar oo iska casilay xubin nimadiisii baarlamaanka iyo Bashiir Maxame Jaamac “Goobe” oo loo magacaabay agaasimaha hay’adda nabadsugidda qaranka.
97 Mudane oo ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa xukuumada ka keenay Mooshin ka dhan ah ,gudoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamaanka Federaalka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in 22-ka bishan May laga doodi doono mooshinka xukuumada ka dhanka ah ee ay soo gudbiyeen xubnaha ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho