Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

15ka May oo Garoowe laga Xusay.

$
0
0

Garoowe (RBC RADIO) Munaasabadan waxay ka dhacday Xarunta Jaamacada (PSU) ee Magaalada Garoowe waxaana kasoo qayb galay Masuuliyiin ka socda Dowlada Puntland,Ururada kala duwan ee dhalinyarada Puntland iyo Marti sharaf kale ayaa lagu maamuusayay 15ka may oo loo asteeyey Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed laguna muujiyo Maalintan Wax qabadkii ay Somalida usoo hoyeen 13kii dhalinyaro ee SYL ku midoobay kuwaasi oo xorad ka dhaliyay Dalka xili uu gumeysi ku jiray.

 

Munaasabadan ayaa lagu soo bandhigay Filim laga diyaariyay Xaaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray iyo Marxalada cakiran oo ay ku sugan yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed,tusaalaha ugu wayn ayaa laga dhigay in Dhalinyaradu ay ku biireen burcad badeeda cawaaqib xumana ay kala kulmeen oo lagu xirxiray Xabsiyada Caalamka lagu dilo Qaarkood Badaha ayna usii dheertahay takoor ay ka qabaan Bulshada Islaamka dhexdooda.

 

 Talaabada kale oo ilaa hada si xawli ah u socota ayaa lagu sheegay in ay tahay Tahriibta oo lasheegay in Dhalinyarada Reer Puntland intooda badan ay u jaleeceen oo dhalin badan oo la yaqiinay ay qaarkood dhinteen halka qaarka kalena ay ku nool yihiin darxumo, waxaa madasha laga sheegay in dhalinyarada soomaaliyeed siiba kuwa reer Puntland ay xooga saaraan sugida Nabadgelyada ilaalinta deegaanka iyo ka shaqeynta Dalka taasoo lagu tilmaamay in ay tahay xalka kaliya ee dhalinyaradu ay ku heli karaan Nolol Wacan oo Waarta.

 

Tan iyo Burburkii Dalka kadib dhalinyarada Soomaaliyeed waxay ahaayeen kuwo u nugul Xaaladihi adkaa ee lasoo maray haba ugu badnaadeen dagaaladii ahliga ahaa ee dalka ka dhacay waxaana dhalinyaradu ay inta badan ku caloolyoobaan in dalku uusan lahayn wax barasho dhameystiran iyo shaqo waafi ah wallow dalka iminka laga yagleelay Jaamacdo tayo leh rajaduna ay sidii hore kasii wanaagsan tahay looguna baaqayo dhalinyarada in aysan Naftooda haligin.

RBC RADIO

 Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles