Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Rag ku labisan direeska ciidanka dowlada oo isku dayey iney dhac u geystaan mid kamid ah xarumaha Dahabshiil ee Muqdisho

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio(RBC Radio) Rag ku labbisan direeska ciidamada Milateriga dowlada Soomaaliya ayaa maanta weerar kun qaaday xarunta shirka xawilaadda Dahabshiil ay ku leedaha gudaha  Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Mudisho,wararka ayaa tilmaamay in ilaa 7 ruux oo ku labisnaa direeska ciidamada dowlada Soomaaliya ay isku dayeen iney gudaha u galaan xarunta Dahabshiil ee Bakaaraha.

Raggani hubeysan ayaa la sheegay iney damacsanaayeen iney dhac u geystaan shirka Xawilaadda Dahabshiil,Dableydan hubeysan ayaa la dhowr jiho kasoo galay xarunta shirkadda iyagoona rasaas aan loo meel dayin ooda kaga qaaday xarunta Shirkadda ee Bakaaraha.

Dableyda weerarka ku qaaday  shirka Dahabshiil ayaa ku guul dareystay iney gudaha u galaan xarunta shirkadda kadib markii ay iska caabin xoog leh kala horyimaadeen ilaalada sgirkadda Dahabshiil oo raggaasi la galay dagaal socday muddo Saacad  ah.

Waxaana inta la xaqiijiyey ka dhashay dagaalka dhexmaray dableyda hubeysan oo isku dayey iney dhacaan shirkada Dahabshiil iyo ilaalada shirkadda   1 ruux oo la sheegay inuu ka tirsanaa kooxdii hubeysneed ee dooneysay iney dhaca u geystaan Shirkadda  Dahabshiil  xarunteeda Bakaaraha oo ku taalla agagaarka Suuqa Sarifka bartamaha suuqa Bakaaraha.

Dagaalka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay mid ka mid ah shaqaalaha Dahabshiil,ciidamada dowlada Soomaaliya oo goobta soo gaaray ayaa isku gadaamay naxaagiga Xarunta shirkadda waxayna kaxaysteen shaqaalihii shirkadda Dahabshiil iyo raggii weerarka soo qaaday oo sida la sheegay ka tirsanaa ciidamada dowlada Soomaaliya.

Dhaq-dhaqaaqii ganacsiga Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee bakaaraha oo muddo kooban hakad galay ayaa hada caadi kusoo noqday,waxaana la arkayaa ciidamada dowlada Soomaaliya oo adkeynaya amniga suuqa.

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles