Muqdisho(RBC Radio) Munaasabad ay magaalada Muqdisho si wada jir ah ugu qabteen madaxweynaha dowlada Soomaaliya iyo madax sare oo ka tirsan wadamada Midowga Yurub ayaa waxaa looga dhawaaqay in maanta wixii ka danbeeya si rasmi ah gudahga Muqdisho loogu soo raray tababaradii ciidanka dowlada Soomaaliya midowga Yurub ay kusiin jireen Xerada Bihanga ee dalka Uganda.
Kulanka oo ay ka qaybgaleen madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud masuulka midowga Yurub u qaabilsan qaarada Afrika,danjiraha dalalka Yurub ee Soomaaliya 80 sarkaal oo ka tirsan saraakiisha midowga Yurub ee tababarka ciidanka Soomaaliya kusiin jiray dalka Uganda ayaa waxaa looga dhawaaqay in tababarida ciidanka Soomaalida loosoo wareejiyey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guul ku tilmaamay in magaalada Muqdisho loosoo wareejiyo tababarka midowga Yurub ay siiyaan ciidamadadowladaSoomaaliya,wuxuuna tibaaxay arintani ay muujineyso in beesha caalamku ay waxbadan ka bedeshay hab dhaqankii hore ee lagula macaamili jiray dowladihii kumeelgaarka.
Madaxweynaha ayaa daboolka ka qaaday in arintani ay ka danbeysay dadaal dheer oo ay sameysay dowlada Soomaaliya sida uu tilmaamay,wuxuuna dhanka kale hambalyo ku aaddan aas-aaska midowga Yurub u diray dadalka ku bahoobay Ururka midowga Yurub.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale hambalyo ku aaddan maalinta 15-ka May oo loo asteeyey maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed u diray dhalinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.