Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

R/wasaare Saacid oo dhalinyarada Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May

$
0
0

R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa maanta dhalinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey  maalinta 15-ka bisha May oo ahayd aas-aaskii halgankii gobanimada doonka Soomaaliya.

Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid R/wasaaraha dalka ayaa  hambalyo ku aaddan maalinta 15-ka May oo ku beegan 70-guuradii kasoo wareegtay aas-aaskii halgankii gobanimadoonka ee ay hormuudka ka ahaayeen dhalinyaradii SYL  u diray dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa shaaca ka qaaday in maanta ay tahay maalin leh taariikh fac weyn isla markaane ka turjumeysa doorkii Muuqday ee dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku lahaayeen aayo-katalinta dhulkooda.

Wuxuuna tilmaamay iney dowladu la socoto marxaladaha adag ee xiligan  haysta dhalinta Soomaaliyeed,”Xaaladaha colaadeed ee dalka ka jiray waxay mustabal seejiyeen 3 Jiil,arinkaasi waa dhibaato nagu wada dhacday,waxay dhalinyaradu waayeen fursadii wax-barasho,waxay seegeen fursadii shaqo taasoo keentay iney ka niyad jabaan bulshadooda iyo dalkooda” ayuu yiri R/wasaare Saacid.

R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa hoosta ka xariiqay in dowladu ay wax badan ka qaban doonto xaaladaha adag ee haysta dhalinta Soomaaliyeed,wuxuuna ballan qaaday iney wax badan ka qaban doonaan dhibaatooyinka kala duwan ee ay wajahayaan dhalinyarada Soomaaliyeed,wuxuuna ku booriyey iney ku dadaalaan waxbarashada iyo kororsiga xirfadaha si ay uga qayb qaataan fursadaha shaqo ee dalka ka abuurmaya sida uu tilmaamay.

R/wasaare Saacid ayaa sheegay in xukuumadiisu ay u dhega-nugushahay dhegeysiga  iyo waxkaqabashada dhibaatooyinka ay la daalaadhacayaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles