Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Munaasabado lagu xusayo maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May oo Muqdisho ka socda

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Qaban-qaabada Munaasabado lagu xusayo maalinta 15-ka May oo loo asteeyey maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku beegan aas-aaskii ururkii dhalinyaradii gobanimada doonka SYL oo dhidibada loo taagay sanadkii 1943-dii kuwaas oo markii danbe ku guuleystay iney dalka gaarsiiyaan Xorriyadda ay maanta ku naaloonayaan shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabad uu soo agaasimay mid ka mid ah wiilasha uu dhalay alla ha u naxariistee halgame Daahir Xaaji Cismaan oo ka mid ahaa 13-kii dhalinyao ee aas-aasay ururkii gobanimada doonka SYL ayaa xiligan ka socota magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya munaasabada ayaa waxaa ka qaybagalaya dad ka tirsanaa Xisbigii Leegada,mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Maanta oo ku beegan 70-guuradii kasoo wareegtay aas-aaskii SYL Sheekh Mukhtaar oo ka mid ahaa dhalinyaradii Xisbigii Leegada oo maanta ka qaybgalaya munaasabada lagu maamusayo 70-guuradii kasoo wareegtay aas-aaskii SYL ayaa ku dheeraaday ka hadalka waxqabka dhalinyaradii hore,wuxuuna ka dalbaday dhalinta Soomaaliyeed ee xiligan iney maraan wadadii dhalintii iyaga ka horeeyey ee dalka usoo hooyey xorriyada,dhalinta Soomaaliyeed ee xiligan joogane looga fadhiyo iney dalka ka samata bixiyaan dhibaatada uu ku raagay.

Dhanka kale gudoomiyaha ururka dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed C/llaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in maalinta 15-ka May ay tahay maalin ku weyn quluubta shacbiga  Soomaaliyeed,laguna xasuusto halgankii 13-kii  dhalinyaro ee SYL oo dalka u horseeday gobanimada.

Wuxuuna tilmaamay in ururka dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed uu wado qaban-qaabada Munaasabad lagu xusayo 70-guurada kasoo wareegtay aas-aaskii SYL, Maalinta 15-ka May ayaa waxaa loo asteeyey iney noqoto maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed, 15-ka bishii May ee sanadkii 1943-dii ayey ahayd markii la aas-aasay ururkii SYC oo markii danbe loo bedelay SYL kaasoo 17 sano  oo uu halgan ku jiray kadib ku guuleystay inuu dalka  gaarsiiyey xorriyad buuxda.

 

 

RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles