Birmingham (RBC) Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa xafladballaaran oo dad xisbigiisa taageersan ay ku qabteen magaalada Birmingham ee wadanka Ingiriiska wuxuu kaga hadlay waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga iyo wafdigii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee toddobaadkan horraantiisii ku sugnaa dalka Ingiriiska ee lagu eedeeyay Feysal inuu sharci darro kula kulmay.
Feysal ayaa si kulul uga jawaabay eedeyn uga timid wasiirka warfaafinta Somaliland Abiib Diiriye oo ahayd inuu si qarsoodi ah ula kulmay madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya.
“In yar oo aanu isa salaanay madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa wixii qeylo ka yeeray waa la ogaa.” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe oo dadweyne taageersan u khudbeynayey.
“Haddaan la kulmay, anugu ma kacbadii baan dumiyey….?” ayuu weydiiyey dadkii dhageysanayey oo sawaxan badan ka yeeray.
Wuxuu tusaale u soo qaatay berigii ay kulmeen boqorkii hore ee Wadanka Sacuudi Carabiya iyo Boobkii ugu sarreeyay Kirishtanka kulan ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay, in markaasi Boqor Fahadkii Sacuudiga si weyn loogu mudaaharaayey laguna tilmaamay nin jebiyey Shareecada.
“Markaasuu Boqorkii Sacuudigu yiri waar anigu diintii kamaan bixin, marka waxaan leeyahay anigu xaggaa iiga shaki qabi meysaan,… Diinta reer Somaliland kama bixin.” ayuu yiri Feysali Cali Waraabe.
Qolo kalaan filayey!
Feysal wuxuu sheegay in markii uu la kulmay wafdigii wasiirada dawlada federaalka Soomaaliya ee yimid dalka UK inuu filayey in dad kale ay ka hadli doonaan laakiin uusan fileyn dad ka mid ah madaxda maamulka Somaliland.
“Anugu qolo kale oo reer Soomaaliya ah baan islahaa wey ka qeylin doonaan ee marna maanu fileyn in dad reer Somaliland ah ay ka hadli doonaan.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.
Hadalka guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa yimid xilli xukuumadda Somaliland ay si weyn u dhaleeceysay la kulankiisii madaxda dawlada federaalka Soomaaliya kaasoo wasiirka warfaafinta Somaliland uu ku micneeyay mid xadgudub ku ah “madax bannaanida Somaliland”.
Feysal oo ka jawaabay warkaasina wuxuu warbaahinta ka sheegay in maamulka Somaliland ay u taallo shaqo u baahan inay wax ka qabtaan ee aysan ahayn inay isaga ku mashquulaan, sida uu yiri.
RBC Radio
Xafiiska Wararka UK