Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

DEG DEG:R/wasaare saacid oo gudi ka kooban labada gole u magacaabay dib u heshiisiinta iyo wada xaajoodka gobolada Jubooyinka

Muqdisho(RBC Radio) Warsaxaafadeed goordhow  kasoo baxay xafiiska R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa waxaa lagu magacaabay gudi ka kooban labada gole ee dowlada Soomaaliya kuwaas oo ka shaqayn doona wada xaajoodka iyo dib u heshiisiinta arimaha gobolada Jubooyinka.

Warsaxaafadeedka R/wasaare Saacid ayaa waxaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaarha Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdon “Saacid” ayaa maanta wareegto ku
soo saaray gudi ka kooban labada gole  iyo xiriiriye tiradooduna
tahay 16 xubnood loona xilsaaray wada-xaajoodka iyo dib-u heshiisiinta
Jubbooyinka”

“Wafdigu waxay kaloo si hufan ugu gudbin doonaa madaxda dhaqanka iyo
kuwa gobolka Jubbada Hoose siyaasadda iyo talada dawladda federaaliga
ah ee Soomaaliyeed ee ku wajahan dhismaha dawlad goboleedyada
federaalka ah” ayuu lagu yiri warsaxaafadeedka R/wasaaraha.

“Guddigaan ayaa lagu wadaa inay dhawaan u ambo baxaan magaalada
Kismaayo Guddiga ayaa waxaa gudoomiye u ah wasiir ku-xigeenka
Wasaarada Arrimaha Guddaha mudane Cabdiguhaad Jaamac Axmed Moxamed
(Oday)”, waxaana ay kala yihiin xubnaha kale ee gudigu:-

1. Xildhibaan, Cabdiweli Sh Ibraahin Muudey   – Xubin
2. Xildhibaan, Xasan Macalin Maxamuud   – Xubin
3. Xildhibaan, Maxamed Iidle Geeddi (Xerow)   – Xubin
4. Xildhibaan, Cabdikaafi Macallin Xasan – Xubin
5. Xildhibaan, Maxamed Maxamud Guure  – Xubin
6. Xildhibaan, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil  – Xubin
7. Xildhibaan, Cabdullaahi Yuusuf Xasan (Alankey)  – Xubin
8. Xildhibaan, Maxamed Axmed Kulan  – Xubin
9. Xildhibaan, Samaan Maxamed Sheekh   – Xubin
10. Xildhibaan, Cabdiwaaxid Cabdullaahi Jaamac      – Xubin
11. Xildhibaan, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil  – Xubin
12. Xildhibaan, Maxamed Maxamuud Ibraahin – Xubin
13. Xildhibaan, Cabdiqaadir Maxamed Aadan  – Xubin
14. Xildhibaan, Luuley Cabdi Aaadan -Xubin
15. Mudane Aaden Ibraahim Aw Xirsi  – Xiriiriye

 
……………
**DHAMAAD**

Ahmed Adan

Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Trending Articles