Muqdisho (RBC) Waxaa sida xogta soo gaareysa Raxanreeb ay sheegeyso meel gabagabo ah mararaya iskushaandheyn iyo ballaaran lagu sameynayo markii ugu horreysay golaha wasiirada dawlada federaalka Soomaaliya oo hadda shaqeynaya mudo siddeed bilood ah.
Raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waday iskucelcelinta liiska cusub ee golaha xukuumadda kaasoo la sheegayo in si aad ah looga badin doono tirada uu hadda yahay ee tobanka wasiir.
Wasaarado dheeraad ah
Iskushaandheynta ayaa si xoog leg loogu adeegsan doonaa in ku dhowaad 10 wasaaradood oo kale lagu kordhiyo tirada golaha xukuumadda. Sida dadka ku dhow xafiisyada sare ee madaxda ay sheegayaan waxaa la kala qaadi doonaa Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada ee ay madaxda ka tahay Drs Matyan Qaasim Axmed. Wasaaradaha Waxbarashada, Caafimaadka Iyo Haweenka ayaa la filayaa inay noqdaan wasaarado gooni ah halka ay haatan ka yihiin waaxyo (departments) taasoo dadweynuhu horey su’aalo uga keeneen maadaama wasaarado muhiim u ah bulshada ay noqdeen xafiis waaxeedyo.
Sidoo kale wasaaradaha Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Qorsheynta Qaranka ayaa qorshuhu yahay in loo magacaabo wasiiro.
Wajiyada cusub iyo Iskushaandheyn
Dhinaca kale waxaa si kooban la iskugu shaandheyn doonaa wasiirada hadda jooga oo la filayo tiro yar laga qaado xilalka, walow ay arrintaasi hadalheyn badan ka soo baxayso.
Waxaa si xoog leh madaxda dawlada in dhoweyd ugu celcelinayeen in isbedel weyn lagu sameynayo dhammaan hay’adaha dawlada iyagoo ka soo bilaabay saraakiisha ciidamada, hay’adaha amaankana ay ugu dambeeyeen. Sidaasi darteed ayaa loo badinayey in iskushaandheynta wasiiraduna ay jidkaasi qaadi doonto.
Xukuumadda hadda jirta ayaa u aragta iskushaandheyntan mid dhinaca kale fursad ay uga dhigan karto qaboojinta beelaha gadoodsan ee qaarkood ay xildhibaanadooda beryahan wadeen mooshin raysul wasaaraha iyo xukuumaddiisa looga horjeedo. HALKAN KA AKHRI MOOSHINKA
Dadka odorosa arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in dawlada ay ku qasban tahay inay fuliso ballanqaadyada tirada badan ee ay u sameysay siyaasiyiinta ay beelahooda kacsan yihiin si ay mooshinka ukala jebiyaan. Waxaana mar horeba shaqadaasi gutay rag badan oo xil doon ah.
Laakiin su’aasha waxay ka taagan tahay kuwa ay noqon doonaan wasiirada shaqada laga saari doono ee xukuumadda raysul wasaare Saacid maadaama wasiirada hadda jooga ay isugu jiraan shakhsiyaad ka mid ah Ururka Damu Jadiid oo awood iyo saameynba ku leh dawlada iyo madaxda sare, xitaa haddii iyaga la dhaliilo shaqadooda? mise waxaa isbedelku ku ekaan doonaa wasiirada aan ka midka ahayn ama ku jirin mabda’a Damu Jadiid ee markii horeba kartidooda iyo aqoontooda loogu yeertay?
W/Q: Cabdalle Muumin
RBC Radio
Email: Cabdallemuumin2@gmail.com