Muqdisho(RBC Radio) Taliska hogaanka socdaalka dowlada Soomaaliya ayaa ka hadlay dhibaatada ka dhalatay xiritaanka garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose oo laga soo celiyey dad badan oo ka duulay magaalada Muqdisho kuwaas oo doonayey iney gudaha u galaan magaalada Kismaayo.
Taliyaha hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha dowlada Soomaaliya C/laahi Gaafow Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in garoonka Muqdisho ay buux-dhaafiyeen dadka doonaya iney u safraan magaalada Kismaayo,wuxuuna tilmaamay iney xiligan garoonka ku sugan yihiin boqolaal Ruux oo haysta Tigidhadii ay ku duulilahaayeen kuwaas oo ku dhibaateysan gudaha garoonka Muqdisho kadib markii ciidanka Kenya ay u diideen iney ka dagaan garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.
Gen.Gaafow ayaa meesha ka saaray inuu xiran yahay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo wuxuuna tilmaamay in xirida garoonka Kismaayo ay awood u leedahay dowlada Federaalka Soomaaliya isla markaane aysan jirin wax amar ah oo kasoo baxay dowlada Soomaaliya kaasoo lagu xanibayo hawlaha garoonka Kismaayo.
Taliyaha hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay wax ka qabashada dhibaatada baaxada leh ee ka jirta hawlaha duulimaadyada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose iyo boqolaalka ruux ee Soomaaliyeed ee ku xayiran garoonka Aadad Cadde ee magaalada Muqdisho.
Gen. Gaafow ayaa sheegay in dhibaatada haysata shacabka Soomaaliyeed ee doonaya iney u kala safraan Muqdisho iyo Kismaayo ay tahay mid muuqata oo aan indhaha laga qarsan karin,wuxuuna intaa ku daray in kadib markii dadka loo diiday iney raacaan diyaaradaha ay Dekedda Muqdisho soo gaareen dad Doomo ganacsi kasoo raacay magaalada Kismaayo kuwaas oo badweynta loogu geeyey Doomo yaryar oo keenay gudaha dekedda Muqdisho,wuxuuna ku booriyey dowlada Soomaaliya iney si deg deg ah wax uga qabato arinkaasi.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho