Muqdisho(RBC Radio) Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay iney talo la’aan ba’an haysato ciidamada dowlada Soomaaliya wasiir ku xigeenka wasaarada gaashaandhigga xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Kulmiye Xirsi oo warbaahinta la hadlayey ayaa ka dhawaajiyey iney liidato tayada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay iney badan tahay Tirada ciidamada dowlada Soomaaliya balse dhibaatada haysata ay tahay Tayo iyo Tababar la’aan hadheysay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya,wuxuuna daboolka ka qaaday iney wadaan dadaalo ay ku doonayaan sidii ay u tayeyn lahaayeen ciidamada xoogga dalka.
Wuxuuna carrabka ku adkeeyey in caqabadda ugu weyn ee haysata wasaarada difaaca Soomaaliya ay tahay la dagaalanka alshabaab,wuxuuna tilmaamay in ciidanka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin Qalab,Tababar iyo Tayeyn macnawi ah si ay ula dagaalamaan alshabaab, dalkane ay uga xoreeyaan sida uu tilmaamay wasiir ku xigeenka gaashaandhigga dowlada Soomaaliya C/raxmaan Kulmiye.
C/raxmaan Kulmiye Xirsi ayaa soo hadal qaaday dadka ku dhaqan deegaanada ay wali gacanta ku hayaan alshabaab wuxuuna sheegay in shacabkaasi ay ku jiraan gumeysi,isagoona ku nuuxnuuxsaday iney ka go’an tahay dowlada Soomaaliya sidii ay alshabaab uga sifeyn lahayd guud ahaan dalka Soomaaliya.
Wuxuuna intaa ku daray in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay dadaal xoog leh ugu jiraan sidii ay dalka uga saari lahaayeen alshabaab,wasiir ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyey in amniga magaalada Muqdisho uu xiligan yahay mid sugan isla markaane ay ka hortageen isku dayo dhowr ah oo alshabaab ay ku doonayeen iney ku dhibaateeyaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho sida uu sheegay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho