Muqdisho(RBC Radio) Wasaaradda adeegga bulshada xukuumada Soomaaliya ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ka dalbatay iney bulshada ku wacyi galiyaan in carruurta da’da yar laga Tallaalo cudurka Dabeysha,wasiiradda wasaarada adeegga bulshada xukuumada Soomaaliya Maryan Qaasim ayaa sheegtay iney la gudboon tahay bulshada Soomaaliyeed iney ubadkooda ka Tallaalaan cudurka Dabeysha.
Wasiiradda ayaa sheegtay inuu diyaar yahat Tallaalka Cudurka Dabeysha isla markaane ay muhim tahay in laga Tallaalo 5 boqol oo Kun oo Carruur ah oo u baahan Tallaalkan,waxayna tilmaantay in hadii aan Carruurta laga Tallaalin cudurkaas ay hubaal tahay in la arki doono Carruur badan oo dhinta iyo qaar Naafooba sida ay tilmaantay.
Maryam Qaasim ayaa ka dalbatay qaybaha kala duwan ee bulshada iney u istaagaan wacyi galinta hooyooyinka Soomaaliyeed si ay u Tallaalaan Carruurtooda si looga badbaado dhibaatada Cudurka Dabeysha oo Naafeeya Carruurta da’da yar.
Wasiiradda ayaa intaa ku dartay iney ku talo jiraan qorshe ay ku doonayaan in Tallaalka lagu gaarsiiyo guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya,waxayna tilmaantay in xiliyadii hore aysan suurta gal ahayn in la wada gaaro gobolada dalka balse waxay tibaaxday in xiligan gobolada la gaarsiin karo Tallaalka Cudurka Dabeysha.