Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Dagaal saacado badan socday oo ciidanka dowlada iyo alshabaab ku dhexmaray gobolka Gedo

$
0
0

 

Gedo(RBC Radio) Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa ku waramaya in deegaanka Bursagaar uu ka dhacay dagaal saacado badan qaatay oo dhexmaray ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Alshabaab,dagaalka ayaa yimi kadib markii ciidamada alshabaab ay jidka u galeen kolonyo ka tirsan ciidanka dowlada Soomaaliya kuwaas oo kasoo ambabaxay magaalada Beledxaawo kuna soo jeeday degmada Garbahaarey ee xarunta gobolkaas.

Waxaana goobta ka dhacay dagaal qaraar oo socday shalay galinkii danbe ilaa xalay,dagaalka ayaa saamayn weyn ku yeeshay dadka deegaanka,dhinacyada dagaalamay ayaa lasoo sheegayaa iney isku adeegsadeen hubka culus iyo midka fudud,dagaalka ayaa waxaa ku dhintay inta la ogyahay 10  ruux oo iskugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah waxaana ka dhashay dhaawac intaa ka badan sida aan wararka ku heleyno.

Saraakiisha ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya ayaan ilaa hadda ka hadlin khasaaraha kasoo gaaray dagaalka ka dhacay deegaanka  Bursagaar ee u dhexeeya degmooyinka Garbahaarey iyo Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Dhanka kale ururka alshabaab oo iyagu jidka u galay ciidamada dowlada Soomaaliya ayaan wax hadal ah kasoo saarin dagaalka saacadaha badan socday ee ay  ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya kula galeen deegaanka Bursagaar ee gobolka Gedo.

Alshabaab oo  gobolka Gedo kaga sugan degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere ayaa ciidanka dowlada u galay jidka xiliyada ay ku sufrayaan wadooyinka isku xira gobolkaas ,masuuliyiinta gobolka Gedo ee dowlada Soomaaliya ayaa ku celceliya iney alshabaab ka saari doonaan deegaanada ay kaga  harsan yihiin gobolkaasi Gedo.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Trending Articles