Garoowe (RBC RADIO) Kulan balaaran oo ka dhacay Xarunta Cilmi barista ee (PDRC) ayaa waxaa isugu yimid Haween ka kala yimi Gobolada Puntland ujeedka Kulanka ayaa ahaa wada tashi iyo ka mira dhalin qorshaha leysugu yimid kaasi oo ahaa in haweenka Puntland laga qayb galiyo Xubnaha Golaha Deegaanka u kala matali doona Gobolada Puntland Ururada Siyaasada ee Puntland oo aan Xildhibaanada loo badin raga lana ilaawin xaqa ay dumarku leehiyiin sida Kulanka lagu xusay, waxaa kaloo kulanka baaq loogu diray Gudiga Doorashooyinka Puntland si uu il gaar ah ugu eego Xildhibaanada ay soo xulayaan ururada Siyaasada ee uga mid noqonaya Goloyaasha Deegaanka.
Shirka oo Socoshadiisa Saacado badan qaatay ayna goob Joog ahaayeen Wasiirka haweenka Puntland Marwo Xaliimo Xaaji Xasan iyo ku xigeenadeeda ayaa lagu soo bandhigay Go’aano ay isla qaateen haweenka Madasha isugu yimid kaasi oo ay ka mid ahaayeen in haweenku ay walaac ka muujinayaan sida loo wado in ay u dhacaan doorashooyinka Golaha deegaanka kaasi oo u muuqda in uu yahay mid ay Ragu u badan yihiin sidaa darteedna loo baahan yahay in dib u eeges lagu sameeyo cabashada Dumarka, waxaa kaloo leysla gartay in Dumarka Puntland ay midoobaan si aan loogu xadgudbin Xuquuqdooda.
Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Arimaha Qoyska Puntland Marwo Xaliimo Xaaji Xasan oo Madasha ka hadashay ayaa sheegtay in marka hore ay tahay guul umada Reer Puntland usoo hoyatay mudanna in looga day’daa Hanaanka Dimuqraadiyada ay u gudbeen taasoo mudo laga soo shaqeeyey iyadoo ku baaqday in la taageero lana soo dhaweeyey Hormarka la gaaray,waxayse wasiiradu ka digtay in haweenka xaqooda la duudsiiyo lagana qadiyo Xildhibaanda Golaha Deegaanka taasoo ah raja xumada ay hada qabaan dumarka Reer Puntland.
“ waxaan marka ugu horaysa ku talinayaa in aynaan is xasdin oo xiliga doorashooyinka la gaaro yeynaan qabiilo iyo Niman aan waxba inoo ogalayn yaan la dooran ee Haween walba waa in ay Haweenta kale ee Walaasheed ah ay u codeysaa,waxaa hubaal ah in la aaminsan yahay in dumarku ay qaylo badan yihiin oo aysan meel isku raacayn taa waa in aan beeninaa oo aan lasoo baxnaa karti iyo hufnaan aan ku muujin karno cududdeena iyo Garaadkeenaba Dumarkuna waa in ay wax bartaan si ay u ogaadaan xuquuqda lagu leeyahay iyo mida ay leeyihiin walibana ay dhanka diinta xooga saaraan iyo Axaadiista Nabiga (SCW) sidaana waxaa tiri Wasiirka Hweenka Puntland.
Wasiirada ayaa sheegtay in haweenka 22kii Sano ee lasoo dhaafay ay dusha saarteen xilkii Guriga iyo kii Banaankaba iyadoo raga intooda badan ku tilmaantay kuwo aan wax qabad iyo naxriisba ku gaarin haweenka Soomaaliyeed Meelwalba oo ay joogaan sidaa darteedna aysan xaq ahayn in Haweenka meel cidlo ah looga tago booskoodana la qayb sado ayeey tiri wasiiradu.
“ Waxaan fariin u dirayaa Gudiga Doorashooyinka waxaan leeyahay dib u eega Liisaska la idin keenayo waa in jinsi ahaan ay isku mid ka ahaadaan Urur Walbaba Dadka loo soo xulayo Golaha Deegaanka oo Raga iyo Haweenka ay u sin-naadaan taas ayaan ku calool Fiyownahay anaga,waxaan rabnaa inaan Helno Wasiiro, Xildhibaano, iyo Agaasime -yaal Guud taana waxaan ku heli kartaa markii ay dalka dib noogu soo laabtaan haweenka Qurbaha ku nool ee Reer Puntland si aan Aqoon iyo qayla-dhaanba inagoo is kaashaneyna aynu xaqeena kusoo dhacsanno,waxaan sidoo kale idiin sheegayaa sanadkaan inaan u bixinay Sanadka Iskaashiga Haweenka Puntland iyo Saaxiibadooda Daneeya, Wasaarada aan Madaxda ka ahayna wey idin garab taagan tahay Habeen iyo Maalinba, Sidaana waxaa tiri Wasiirka Haweenka Puntland.
Kulankan oo taageero ahaan ay Garab tagneyd hayda UNDP ayaa Wasaarada Haweenka Puntland ugu talagashay u qareemida dumarka ee dhanka Doorashooyinka Golaha deegaanka iyadoo sidoo kale la qorsheynayo tababaro Dumarka la siiyo si ay u ogaadaan waajibaadka ay leeyihiin, waxaana wali jira Kulamo kale oo ay Dumarka Reer Puntland u balansan yihiin xiliyada soo socda.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.