Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

C/xakiin Xaaji Fiqi”Ciidanka dowladu waxay u dhabar adeygeen duruufo adag,waxay mudan yihiin in lagu amaano hawsha ay qaranka u hayaan

$
0
0

 

London(RBC Radio) Wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay iney duruufo adag haystaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya isla markaane ay saamaysay duruufaha dhaqaalo xumi ee haysta dowlada Federaalka Soomaaliya,Fiqi ayaa sheegay in ciidamada iyaga oo ku jira xaaladahaas adag iney hadane u dhabar adaygeen difaaca dalkooda iyo dadkooda.

Wuxuuna tilmaamay iney mudan yihiin in lagu amaano hawsha adag ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed,wasiirka ayaa sheegay in ciidamadu ay ku guuleysteen dib u furida wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka  Muqdisho iyo  Baydhabo oo uu tilmaamay iney si caadi ah u adeegsadaan gaadiidka dadweynaha ee u kala goosha labada magaalo.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa uga jawaabay mar la weydiiyey inuu hakad galay hawlgaladii ay ka wadeen gobolada dalka ee ay alshabaab kaga saarayeen deegaanada ay dalka kaga sugan yihiin,wuxuuna tilmaamay iney jirto dhibaato dhaqaale oo ciidanka soo foodsaartay taasoo saamayn ku yeelatay hawlgaladii ay wadeen,”Ciidankeenu ma helin hubkii iyo rasaastii ay u baahnaayeen si ay uga gacan sareeyaan cadowgooda alshabaab.”sidaasi waxaa yiri wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi.

Wasiirka ayaa sheegayiney baaritaano ku samayn doonaan in ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya oo gadoodsan ay dhac iyo kufsi ka geysteen gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay,taliyaha ciidamada milateriga gobolka Baay ayaa sheegay in ciidan ka tirsan milateriga Soomaaliya oo gadoodsan ay dhac iyo kufsi ka geysteen magaalada Baydhabo.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles