Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maxaa aamusiyay xisbiyada Puntland?. W/Q Farah Warsame

$
0
0

Maxaa aamusiyay xisbiyada Puntland?
Farah Warsame
Bile1971@hotmail.com
Maajo 10 2013

Faarax Warsame

Muddo dhowr sano hadda laga joogo waxaa dowladda Puntland ee Soomaaliyeed iyo shacabkeeduba qorsheysteen in nidaamka dowladeed ee ay hadda heysato ee qaabka qabaliga ah ku dhisan ka gudbaan. Waxay Puntland isu diyaarisay in qaabka adduun-weynaha qaarkii hadda ku dhaqmo ee xisbiyada badan u wareegto. Qorshahaas waxaa soo dhaweeyay dad badan oo soomaaliyeed inkastoo ay jiraan dadyow u arka arrintan mid aan islaami aheyn.

Si walba oo ay ahaato waxaa Puntland ka hirgalay diiwaan-gelinta dhowr xisbi oo siyaasadeed, mid walba oo kamid ahna wuxuu ku doodaa in danta dadka reer Puntland ka shaqeynayo. Sida qaalibka ah sheegashada Soomaalida ee ah in dadka wax u qabanayaan ayaa ah mid afka uun ku kooban. Laga yaabe in uu jecel yahay laakiin ficilku waa shey kale.

Aan u soo gudbo qoraalkeyga oo ku saabsanaan doona xisbiyada siyaasadda Puntland oo hankii aan ka qabay iga sii yaraanayo maalinba maalinta ka dambeysa, kadib markii aan ka waayay in ay ka shaqeynayaan wax ka baxsan wax aan masalaxaddooda aheyn. Waxaan aalaaba xisbiyada Puntland ka maqlaa iyagoo ka doodaya ama difaacaya danaha xisbigooda siyaasadeed iyo sidii ay ugu guuleysan lahaayeen waqtiga dhow kuraasta GAROOWE taalla.

Waa SAX in ay dantooda ka shaqeeyaan laakiin howsha laga sugayo is-sharrixid & is-muujin ka weyn!. Maadaama xisbiyada Puntland iyo madaxdooduba heleen fursad aysan helin siyaasiyiin waaweyn oo magac & maamuus-ba ku leh gudaha & dibedda Puntland. Waxaan markaa aad u baadi goobay meel ay xuquuqda dadka reer Puntland ku difaacayaan, haddii ay noqon laheyd mid ka maqan ama mid lala damacsan yahay in hadda laga qaado intaba, khaasatan marka shakhsi iyaga lamid ah, ku martabad ah uu Puntland siduu doono ugu weeraro wax aan sharci aheyn!!.

Wey dhici kartaa in ay jirto oo taa qolooyinka igu dhaama ayaa ii sheegi doona, anigase wey iisoo bixi weyday.

Inkastoo xisbiyadani ay curdan yihiin haddana muddo wax looga qiyaas qaadan karo wey dhisnaayeen. Kuma koobna xisbiyada oo keliya dadka xilkooda gabay, xitaa waxaad mooddaa in shakhsiyaad magaca kulahaa bulshada dhexdeeda ay baryahan iska howl-yareysteen arrimo iyaga khatar ku ah. Laakiin hadafka qoraalkeyga ayaa maanta ku saabsan xisbiyada Puntland oo keliya.

Sida aan ka warqabno soomaaliya waxay soo martay welina ku jirtaa jah-wareer siyaasadeed, mid amni iyo mid caddaaladeed. Midda amniga inkasta oo Puntland lagu tiriyo qeybaha faro kutiriska ah ee ka badbaaday dhibka & fowdada soomaaliya saameeyay, haddana intii ay jirtay faro-gelin iyo in la khalkhaliyo amniga Puntland wax badan waa usoo joogtay.

Si taa loo taabo-geliyana waxaa Puntland lagala dagaalamayay arrimaha caddaaladda & siyaasadda oo sal u ah arrinta nabad-gelyada. Wax-qeybsiga nidaamka 4.5 ama Koonfur & Woqooyi, waa labo tusaale oo ka mid ah boqolaalka caddaaladda Soomaaliya lagu wiiqay, welina aan laga weynaan.

Weerarada noocan ah jihooyin kala duwan ayay Puntland kaga imanayeen, dhammaantoodna hal ujeeddo ayay lahaayeen taas oo ah in hanka siyaasadeed ee Puntland gaartay la wiiqo ama ugu yaraan hoos loo dhigo. Si taas loo hir-geliyana waxaa dagaal ba’an lagu qaaday nidaamka Federal-ka loo yaqaan ee ay Soomaaliya waqtigan yeelatay, iyadoo la iska dhaadhacshay fikrad khaldan oo ah in haddii Puntland laga weeraro arrimaha Federaalka, laga adkaan karo.

Isku dayadaa faraha badan ee danaha Puntland lagu waxyeeleynayo, Puntland keli ayay ku aheyd in ay iska difaacdo, cidda keliya ee mar walba lagu halleynayay in ay ka hadasho ama wax ka qabato waxay ahaayeen madaxweynayaashii kala duwanaa ee Puntland soo maray.

Soomaalidu waxay tiraahdaa Dab, ama hadal baa lagu bakhtiiyaa ama biyo, Waxaa la iloobay waajibkii shacabka ka saarnaa difaacidda danaha dalkooda. Kama wado in ay raadiyaan xaq aysan laheyn, laakiin midda ay xaqa u leeyihiin in ay ilaashadaan wuxuu ahaa waajib saaran. Layaab ayay igu noqotay markii aan waayay meel ay jaan & cirib dhigeen xisbiyadii siyaasadeed ee Puntland oo waajibkoodu ahaa difaacidda & u doodida danaha dadka reer Puntland.

Sharraxaad badan uma baahna halka ay Puntland siyaasad ahaan ka gaartay gudaha & dibeddaba oo waataan hore u iri: “haddii gumeystihii yiri dalku waa Koonfur & woqooyi, Puntland waxay noo sheegtay in ay jiraan jihooyin kale oo kuwaa ka waaweyn sida Woqooyi-Bari, Koonfur-Galbeed iwm”.

Laakiin arrinta aan rajeynayay ayaa waxay tahay in qofka siyaasiga ah ee magacaa Puntland wax ka-wadaagaya in uu kaalintiisa ka soo muuqdo, khaasatan goobaha afkaarta siyaasadeed ee kala duwani ka socoto, sida warbaahinada (Tv-yada, Radiyayaasha & internetka iwm) & shirarka soomaalida ee gudaha & dibeddaba ka dhaca iwm.

Waxaa maanta la filayaa in uu qabsoomo shir ballaaran oo Soomaalida loogu qabanayo dalka Ingiriiska, waxaan markaa is-weydiiyay muxuu yahay maqaamka siyaasadeed ee xisbiyada Puntland ee shirkaa & kuwa la midka ah kaga aaddan? Ma sidii hore ee siyaasaddii halka waji ku koobnayd ayaan weli ku soconnaa taas oo ah in aan dowladda Puntland wax waliba ka sugno khasaare & faa’iido wixii ay noo keento? Mise xisbiyadu kaalintooda in ay ka qaataan arrimaha siyaasadda ayaa banaan? Kama wado inay dowladda u gacan dhaafaan howlaheeda shaqo, laakiin maxaa diidaya in xisbiyadu talo & afkaar ku biiriyaan dowladda Puntland marka shirkan & kuwa la midka ahi taagan yihiin, la qaban-qaabinayo ama laga hadlayo danaha dadka Soomaaliya oo Puntland ay qeyb ka tahay? Goormaan dhaqdhaqaaqooda dareemaynaa?

Dadka qaar ayaa ku dooda in xisbiyadii siyaasadda Puntland aysan jirin ama heysan sharci u fasaxaya in ay shacabka Puntland u doodaan, laakiin fikraddahaa aniga waa ii cuntami weysay, mar haddaan aaminsanahay in xisbiyadu shaqadoodu-ba tahay in ay ummadda ay sheegteen in ay matalaan afkooda ku difaacaan.

Gobolada xaqooda la doonayo in la duudsiiyo kuma koobna Puntland oo keliya, ee waxaa iyana waayadan kusoo biiray dhulka JUBBALAND loo yaqaanno. Dhulkan oo muddo 22 sano ka badan dhib iyo fowdo lagu waday.

Waxaa Alle mahaddii ah in maanta u kaceen dad wax garad ah haddii ay noqon laheyd maamulkeeda KMG ah, shacabka reer Jubbaland, siyaasiyiin caan ah & ururo wadani ah sida ururka SAHAL ee had & jeer u dooda xuquuqda dadka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Jubbaland iyo kuwo kale.

Isku soo wada duub, Si wixii aan ka fileynay looga helo xisbiyada cusub ee Puntland, waxaa waajib ah in aysan ku mashquulin oo keliya arrimaha gudaha ee xisbiyadooda, sida xafiis-furid, loollan siyaaadeed & dibad-wareeg, ee ay xoogga saaraan sidii ay u kasban lahaayeen dadka shacabka ah ee Puntland & soomaalida kale ee sharciga & kala dambeynta jecel sida Jubbaland. Sida keliya ee taa lagu gaari karana waxay tahay in ay u hiiliyaan marka laga gardaran yahay & marka ay gardaran yihiin labadaba.

Waxaan ula jeedaa in aad afkiina ku difaacdaan XAQA, iyo sidii loo joojin lahaa dagaalka jihooyinka badan ka socda ee lagula dagaalamayo Nidaamka Federaalka ee dastuuriga ah ee ay Soomaaliya qaadatay, kaas oo aan tiro ka-9 jeer ka tiriyay isku-dayo la doonayay in looga takhaluso.

kiisii ugu dambeeyayna uu ahaa markii mudanayaal baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan oo iyagoo awood is-bidaya ku yiraahdeen “Mooshin ka dhan ah heshiiskii Ankara Baarlamaanka lama keeni karo” cid jawaab ka bixisayna aan la heyn.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa, ha u qaadanina in aan idin dhaleeceynayo ee waxay iga tahay waano & wax u sheegid uun. Xisbiyada 6-da ahna arrintan wey u siman yihiin oo xisbi ama laba keliya gooni kuma aha.

Wabillaahi Towfiiq

Farah Warsame
Melbourne, Australia.
Bile1971@hotmail.com

=============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles