Muqdisho(RBC Radio) Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay iney dadaal ugu jirto dhaqan galinta qodobadii kasoo baxay shir weynihii dib u habaynta garsoorka dalka ee lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/laahi Ciil-mooge Xirsi ayaa sheegay iney ku hawlan yihiin sidii ay u dhaqan galin lahaayeen qodobadii kasoo baxay shirkii wadad tashiga garsoorka dalka.
Ciil-mooge ayaa sheegay in wasiirka garsoorka dowlada Soomaaliya C/laahi Abyan Nuur uu golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya usoo gudbiyey warbixin dheer oo ku saabsan qodobadii kasoo baxay shirkii dib u habaynta garsoorka Soomaaliya ee looga wada tashanayey sidii loo sixi lahaa garsoorka dalka isla markaane loo samayn lahaa garsoor sax ah oo dalku uu yeesho.
Wasiirka Warfaafinta ayaa shaaca ka qaaday in golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ay dood dheer ka yeesheen warbixinta uu usoo gudbiyey wasiirka garsoorka dalka C/laahi Abyan Nuura isla markaane ay isku raaceen in si deg deg ah loo dhaqan galiyo 19-kii qodob ee kasoo baxay shirkii dib u habaynta garsoorka dalka.
Shirkii dib u habaynta garsoorka dalka oo ay soo qaban qaabisay dowlada Soomaaliya isla markaane ay ka qaybgaleen xeel-dheerayaal dhanka sharciga ah iyo aqoonyahano Soomaaliyeed kaasoo 1-dii ilaa 5-tii bishii April ee sanadkan ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa kasoo baxay 19 qodob oo ku saabsan sidii dib u habayn buuxda loogu samayn lahaa garsoorka dalka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho