Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Taliska AMISOM oo Faaffaahin ka bixiyey hawlgalka ay ka wadaan Soomaaliya

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Taliska AMISOM ayaa ka warbixiyey hawlgaladii ugu danbeeyey ee ay dalka ka fuliyeen iyo amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM Col.Cali Aadan Xumud oo shir jaraa’id ku qabtay taliska ugu weyn ciidanka AMISOM ee Xalane ayaa ka waramay hawlgaladii ugu danbeeyey ee ay dalka ka sameeyeen iyo amniga caasimada Muqdisho.

Afhayeen Cali Aadan Xumud ayaa sheegay in xooga hawlgalka AMISOM uu la xiriiro dhanka Milateriga,wuxuuna tilmaamay in badi Ciidanka AMISOM ay hada hawlgalada ka wadaan goobaha ka baxsan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Cali Aadan Xumud ayaa sheegay in taliska AMISOM ay si weyn uga xunyihiin qaraxyadii ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho,”Ciidamada AMISOM milateri ayey u badan yihiin,weyna ka gudbeen Muqdisho,wixii ka dhacay Muqdisho waxay ahayd ayaan darro,dib ayaa looga fiirsanayaa  sidii aysan mar danbe usoo noqon  dhacdooyin la mid ah kuwii lagu gumaaday shacabka Muqdisho” ayuu yiri afhayeenka ciidanka AMISOM.

Cali Aadan Xumud ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay gacanta ku hayaan sugida amniga goobaha halbowlaha u ah magaalada Muqdisho sida Garoonka diyaaradaha  iyo Dekedda  magaalada Muqdisho,wuxuuna wacad ku maray iney dhabarka ka jabin doonaan ururka alshabaab oo uu sheegay iney cadow ku yihiin horumarka umada Soomaaliyeed,isla markaane ay fashilin doonaan isku dayada alshabaab ay ku doonayaan iney ku naafeeyaan shacabka Soomaaliyeed sida uu tilmaamay.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska WArarka Muqdisho

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles