Hargeysa(RBC):- Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa ka hadashay lambarro furayaal ah oo cusub oo ay ku soo kordhisay Teleefannada gacanta (Mobile-ka), ka dib markii dadweynihi adeegsanayey dareen ka muujiyeen faro badnida numbarada iyo furaha cusub ee ay ku soo kordhiyeen.
Shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom, ayaa sheegtay sababta ay lambarada csub ugu dartay moobilada ay la jaanqaadayso horumarka isgaadhsiinta caalamka ku yimid, iyadoo arrintaasi ka hadlaysana waxay tidhi.“Shirkaddu muddadii ay jirtay waxa ay samaysay dedaalo badan oo keenay in ay isbeddesho nolosha bulshada, iyada oo keentay adeegyo teknoolajiyadadeed oo wax weyn ka beddelay kaabayaasha dhaqaalaha waddanka, nabadgelyada, horumarinta, tacliinta, caafimaadka, isku xidhka bulshada miyiga iyo magaalada iyo guud ahaan isku xidhka wadanka iyo caalamka.”
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu yiri: “Muddadii Telesom jirtay waxa ay soo kordhisay qalab casri ah, si ay u daboosho baahida macaamiisheeda iyo wadankaba; taasi oo keentay in sannadkii 2006 la ballaadhiyo furayaashii shirkaddu isticmaali jirtay oo lagu kordhiyay lambarka ‘4’ kana dhigtay toddoba god, halkii ay ka ahaayeen lix god. Qalab kasta oo shirkaddu ay keento iyo ballaadhinta shabakada shirkaddu waxay u baahan yihiin furayaal cusub oo noqonaya halbeegga ama ciwaan uu qalabkaasi ku shaqeynayo si uu ula jaanqaado nidaamka Caalamiga ah (International Telecommunication Union Recommendations). Si waafaqsan nidaamka caalamiga ah ee ITU-ga, labadii sannadood ee u dambeeyay waxa qorshaha furayaashooda wax ku kordhiyay 11 wadan oo kala ah Mauritania, Swaziland, Sychelles, Georgia, Azerbaijan, Togo, Sint Maarten, South Sudan, Djibouti, Gabon, Sacuudi Carabiya.
Telesom Somaliland waxay ka mid noqonaysaa kuwaasi. Dhammaan isbeddelada ay shirkadda Telesom samaysay waa kuwo waafaqsan xeerarka Somaliland iyo oggolaanshaha Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, iyada oo sidoo kale, si dhow ula shaqeynaysa shirkadaha telefoonada Caalamiga ah ee wadamada adduunka ee ka tirsan ururka Caalamiga ah ee Shirkadaha Moobilada ee GSMA”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay waaxda xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda, iyadoo isbedelka ku yimid ka hadlaysana waxay tidhi “ Isbeddelkan u dambeeyay waxay shirkaddu si toos ah oggolaansho uga heshay Wasaaradda Boosaha & Isgaadhsiinta Somaliland. Iyada oo ay weli jirto in dhammaan Shirkadaha ka hawlgala Somaliland iyo Soomaaliya ay weli isticmaalaan furihii +252 ee guud, baadhitaan badan kadib iyo xidhiidh aanu la sameynay shirkadaha waaweyn ee telefoonada soo tebiya (carriers) waxa noo caddaatay in dhammaan furayaashii ka dambeeyay +252 la isticmaalay oo ay diwaagashadeen shirkadaha Isgaadhsiintu. Sidaas darteed, furaha keliya ee moobilka Telesom u bannanaaday waxa uu noqday 63.”
Si kastaba ha ahaatee, shalay ayey dadweynaha Somaliland ku waabariisteen isbedel ku dhacay mobiladdii iyo fureyaal cusub oo lagu kordhiyey taas oo keentay inay dad badan wax badan iska waydiiyaan, maadaama oo aanay u baran number ka kooban toban god, halka ay barigii hore ka ahaan jiray toddoba god, sidaa darteed, waxay arrintaasi keentay inay dood iyo xasaasiyad ku dhex abuurto dadweynaha macmiisha u ah oo la qabsan kari waayey numbaradan cusub, taas ayaa keentay inay shirkaduna ka hadasho waxa ku kalifay inay kordhiso numbaradeedda..
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.