Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay geerida Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Wakiillada Somaliland

$
0
0

Hargeysa(RBC):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay geeri ku timi Xildhibaan ka tirsanaa golaha Wakiillada Somaliland Allaah ha u naxariistee oo la odhan jiray Xildhibaan Axmed Maxamed Maxamuud (Afweyne) oo laga soo doortay gobolka Awdal.

Madaxweyne Axmed-Siilaanyo waxa uu tacsi u diray qoyska, qaraabada, ehelada, axsaabta, Galayaasha Baarlamaanka iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Allaah ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Maxamed Maxamuud (Afweyne), waxaanu Illaahay uga beryey Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo.

Sidaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo galabta ka soo baxay Xafiiska madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, waxaanu qoraalka warkaasi u dhignaa sidan:-“Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa labada Golle ee Wakiillada iyo Guurtida Somaliland, gaar ahaan Golaha Wakiillada Somaliland oo uu ka tacsiyadaynayo geerida ku timid Allaah ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Maxamed Maxamuud (Afweyne) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa, laguna aasay maanta Medykiisa, Marxuumka oo beryahanba u jiifay xanuun.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaya geerida ku timid xildhibaanka.

Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Golaha Wakiillada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.” Sidaa ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada.

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles