Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo hawlgalo kawada guud ahaan xaafadaha magaalada Beledweyne

$
0
0

 

Beledweyne(RBC Radio) Ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika gaar ahaan ciidanka Jabuuti ayaa maanta barqadii hawlgalo ballaaran ka bilaabay  magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,ciidamada ayaa lasoo sheegayaa iney guud ahaan 4-ta xaafadood ee ay ka kooban tahay magaalada Beledweyne ka wadaan hawlgalka.

Ciidamada ayaa  baaritaano xoog leh ka wadaan xaafadaha magaalada,waxaana ay si gaar ah u baarayaan goobaha ganacsiga,guryaha, gaadiidka,iyo dadka lugaynaya,isu socodka dadka iyo goobaha ganacsiga ayaa si caadi ah u shaqaynaya mana jiraan wax saamayn ah oo uu ku yeeshay baaritaanada ay magaalada ka wadaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Saraakiisha horkacaya hawlgalka ayaa sheegay iney warbaahinta uga warbixin doonaan hawlgalka ay ka wadaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan marka uu soo idlaado,ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii danbe hawlgalo baaritaano ah ka waday gudaha magaalada Beledweyne.

Amniga magaalada Beledweyne ayaa waxaa gacanta si buuxda ugu haya ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM,waxaana mararka qaar ka dhacay falal lidi ku ah amniga,maamulka cusub ee loo magacaabay gobolka Hiiraan ayaa wacad ku maray iney xaqiijin doonaan amniga gobolka gaar ahaan degmada beledweyne ee xarunta gobolka.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles