Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka degmada Baydhabo oo ku hawlan kasaarida ciidamada Milateriga gudaha degmada Baydhabo

$
0
0

Baydhabo(RBC Radio) Maamulka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa wada qorshayaal ay ciidamada dowlada Soomaaliya kaga rarayaan gudaha magaalada Baydhabo,masuuliyiinta degmada Baydhabo iyo maamulka gobolka Baay ayaa ku hawlan sidii ay gudaha magaalada Baydhabo uga saari lahaayeen ciidamada faraha badan ee ka tirsan kuwa dowlada ee ku sugan gudaha Baydhabo.

Gudoomiyaha degmada Baydhabo Xasan Macalin Axmed Biikole ayaa sheegay iney wadaan qorshe ay magaalada kaga rarayaan ciidamada faraha badan ee ku sugan gudaha magaalada Baydhabo,wuxuuna tilmaamay iney ciidamadaas geyn doonaan xeryo mucayin ah oo loogu tala galay kuwaas oo ku yaalla goobo  ka baxsan magaalada  Baydhabo.

Gudoomiyaha degmada Baydhabo Xasan Biikole ayaa sheegay iney qorshahan uga gol leeyihiin adkeynta amniga magaalada Baydhabo,gudoomiye Biikole ayaa sheegay in ciidamada Milateriga oo kaliya laga saarayo magaalada.

Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in ciidamada booliska iyo kuwa nabadsugida ay kusii sugnaan doonaan gudaha magaalada Baydhabo si ay u sugaan amniga magaalada,degmada  Baydhabo ayaa waxaa buuxdhaafiyey boqolaal askari oo ka tirsan milateriga Soomaaliya kuwaas oo kasoo baxay furimaha hore ee dagaalka kadib markii ay waayeen mushaharaadkii sida ay sheegeen.

Qaar ka mid ah bulshada magaalada Baydhabo ayaa aaminsan in hadii ciidankan laga saaro gudaha magaalada Baydhabo la dareemi doono nabad isla markaane ay yaraan doonaan dhibaatooyinka ay ciidamadu shacabka u geystaan,halka qaar kalane ay aaminsan yihiin in hadii ciidanka laga saaro gudaha Baydhabo ay sii kordhi doonaan falalka amni darro ee ay geysanayaan alshabaab.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles