Muqdisho(RBC Radio) Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ,kulanka oo ka dhacay xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa shir gudoominayey R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid,waxaana looga hadlay ajandayaal dhowwr ah oo ay ka mid ahaayeen shirkii arimaha Soomaaliya ee magaalada London oo goluhu si diiran usoo dhaweeyey iyo soo nooleynta waxqabadkii hay’adda Maareynta Musiibooyinka.
Wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/laahi Ciil-mooge Xirsi oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey ajandayaashii shirka,wuxuuna tilmaamay iney golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ay isku raaceen dhaqan galinta qodobadii kasoo baxay shirkii arimaha Soomaaliya ee lagu qabtay magaalada London ee dalka UK.
Wasiirka wasaarada warfaafinta ayaa tilmaamay in golaha wasiirada ay ka doodeen sidii loosoo nooleyn lahaa hay’adda Maaraynta Musiibooyinka taasoo sida uu tilmaamay qayb weyn ka qaadatay Maaraynta qaxootiga kusoo barakacay abaaraha dalka ak dhacay.
ciil-mooge ayaa sheegay iney sidoo kale isku soo qaadeen shaqaalaha ajaanibta ah ee dalka ku sugan iyo sidii looga warqabi lahaa hawlaha ay dalka ka hayaan iyo sidii loo marsiin lahaa sharciga dowlada uga yaalla shaqaalaha ajaanibta ah.
Wasiirka warfaafinta C/laahi Ciil-mooge ayaa intaa ku daray in golaha wasiirada sidoo kale ay ka doodeen qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dac-dareysan xeryaha qaxootiga dalka Yemen sidii gacan loo siin lahaa iyada oo lala kaashanayo hay’addaha gargaarka Qaramada Midoobe.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho