Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Dowlada oo sheegtay ineysan hub soo iibsan tan iyo markii la qaaday Xayiraadii hubka ee saarneed Soomaaliya

 

Image may be NSFW.
Clik here to view.
London(RBC Radio) Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka dowlada Soomaaliya ay soo foodsaartay Rasaas la’aan baahsan wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo ka mid ah xubnaha waftiga madaxweynaha ee ka qaybgalaya shirkii London ee arimaha Soomaaliya ayaa tilmaamay ineysan dowladu wali soo iibsan wax hub ah tan iyo markii laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneed Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa sheegay in ciidamada dowlada Soomaaliya ay xiligan yihiin difaaca isla markaane kooxaha ka horjeeda ay dagaal kusoo qaadaan fariisimadooda,wuxuuna u sababeeyey Rasaas la’aanta haysta ciidamada taasoo ka dhalatay in dowladu ay awood u yeelan weyso iney hub soo iibsato,kadib dhaqaalo xumo haraysay dowlada.

Wasiirka ayaa tilmaamay ineysan  ciidamada dowladu  muddo 4 bilood ah qaadin wax hawlgalka oo ku wajahan deegaanada ay alshabaab dalka kaga sugan yihiin,wuxuuna tibaaxay in dowladu ay u baahan tahay taageero dhaqaalo si ay u hubeyso ciidankeeda qalabka sida.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in qorsha dowlada ee 3 sano ee soo socota ay tahay iney dhisto 28 kun oo askari kuwaas oo ay u dhamaystiran yihiin tababarka iyo qalabkooda,wuxuuna tilmaamay si looga miro dhaliyo arintaas iney u baahan tahay  lagu maalgaliyo dhismaha ciidankaas 160 Milyan oo doolar .

 

 

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Trending Articles