Muqdisho(RBC Radio) Siyaasiga Caanka ah ee Ismaaciil Hurre Buubaa oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray ayaa sheegay inuu dhamaaday waqtigii “Looma-dhama” wuxuuna tilmaamay in guud ahaan maamulada gobolada dalka ay masuul ka tahay dowlada Federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ,Buubaa ayaa tibaaxay in maamulada gobolada looga baahan yahay iney arimaha siyaasada dalka uga danbeeyaan dowlada Federaalka.
“Waa iney bulshada Soomaaliyeed fahmaan inuu dhamaaday waqtigii lagu andacoon jiray Looma dhama,dalka waxaa u dhismay dowlad Federaala oo aan kumeelgaar ahayn,maamulgoboleedyada shaqadoodu maaha iney ka qayb galaan shirarka caalamiga ah,waxaa Matalaysa dowlada Federaalka” ayuu yiri Ismaaciil Hurre Buubaa.
Buubaa ayaa hoosta ka xariiqay iney wanaagsanaan lahayd in maamulada gobolada ee ka biyo diiday iney ka qayb galaan shirka London iney shirka tagaan iyaga oo ka mid ah waftiga uu horkacayey madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud,wuxuuna sheegay in ka qaybgalid la’aanta maamulada gobolada Shirka London ineysan samayneen macno weyn maadaama ay dowlada federaalka ka tirsan yihiin.
Ismaaciil Buubaa ayaa dowlada Soomaaliya ku booriyey iney dabagasho isla markaane ay dadaal ku bixiso sidii ay u heli lahayd lacaga looga yaboohay shirkii London ee arimaha Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay in dowlada looga baahan yahay ineysan dhicin in yaboohaasi uu noqdo mid afka un ku kooban.
Siyaasiga Soomaaliyeed ee Ismaaciil Hurre oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey xaaladaha cusub ee dalku uu galay,wuxuuna carrabka ku adkeeyey in bulshada Soomaaliyeed looga baahan yahay midnimo iyo wada jir si loosoo celiyo qaranimadii umada Soomaaliyeed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho