Muqdisho(RBC Radio(RBC Radio)Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlayey munaasabada soo dhaweynta ee Jaaliyada Soomaaliyeed ay madaxweyne Xasan Sheekh ugu sameeyeen magaalada London ee caasimada dalka UK ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ay ka kacday halkii ay ku kuftay 22 sano ka hor.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Muqdisho ay soo ceshatay sharaftii ay lahayd ka hor burburkii dalka ku dhacay,wuxuuna tilmaamay in magaaladu ay ku tallaabsaneyso bilic iyo horumar ku socda si xawli ah.
Wuxuuna tilmaamay gudoomiye Tarsan in magaalada Muqdisho ay xiligan ka gudubtay waayihii adkaa ee ay soo martay isla markaane ay gashay jawi nabadeed,wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhammaan adeegyadii bulshada ee muhimka ahaa ay magaaladu dib u heshay.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsann ayaa sheegay inaan dal kale lagu dhisin canshuur laga qaaday dad shisheeye,wuxuuna ka dalbaday Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool wadamada qurbaha iney kaalin mugleh ka qaataan dib u dhiska la doonayo in dalka laga hirgaliyo,wuxuuna ku booriyey dadka Soomaaliyeed ee waxhaysta kuna nool dibadaha iney dalkooda maalgashadaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho