London(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka UK ayaa shaaca ka qaaday in caalamku ay Soomaaliya taageri karaan,kuna taageeri karaan dhaqaalo,qalab balse waxa uu tilmaamay in caalamku uusan awood u lahayn inuu dowlad u dhiso Soomaaliya taasine ay tahay mid u taalla bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan SHeekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay in caalamku uu hore u muujiyey inuu diyaar u yahay taageerada ummada Soomaaliyeed,balse wuxuu tibaaxay in Soomaalidu ay lumisay fursado dhowr ah oo loo baahnaa in laga faa’iideysto,wuxuuna ka dalbaday bulshada Soomaaliyeed ineysan fursad danbe iska lumin isla markaane ay ka faa’iideystaan Fursada ay xiligan haystaan,isla markaane ay muujiyaan midnimo iyo wada jir buuxa si ay usoo celiyaan qaranimadii umada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha dalka ayaa daboolka ka qaaday iney xiligan dowladiisu dadaal ugu jirto dib usoo nooleynta haybadii iyo sharaftii umada Soomaaliyeed ee burburtay 22 sano ka hor,wuxuuna tilmaamay in dadaalka dowlada uu saldhig u yahay sugida amniga dalka.
“Hadii aan amni la heli lama helayo ,dowladnimo hanaqaaday ,midnimo ummada iyo horumarka bulshada,waa inaan helnaa amni,taasi waa waxa aan u ahmiyada kowaad ee dowlada uga dhignay sugida amniga”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in amnigu uu ka kooban yahay 2 qaybood oo kala ah Ciidan iyo hay’ado wada shaqeeya ,wuxuuuna tilmaamay in qodobka soo raaca amniga inuu yahay dib u habaynta garsoorka si loo helo sharci xakameeya ciidamada iyo laamaha ammaanka si looga fogaado tacadiyo ay geystaan.
Madaxweynaha dowlada Soomaaliya ayaa u sheegay Jaaliyada Soomaaliyeed ee uu kulanka la qaatay in loo baahan yahay in laga waantoobo qabyaalada iyo nin jecleysiga,wuxuuna ku celceliyey inuu dhamaaday waqtigii la taageeri lahaa koox,qabiil iyo shakhsi gaara,wuxuuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iney taageeraan midnimada Soomaaliya.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka UK oo munaasabada soo abaabulay ayaa halkaa kasoo jeediyey hadalo gabayo iyo heeso dhammaantood ahaa ammaan iyo dardaaran ku socda madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh,Jaaliyadda ayaa madaxweynaha gudoonsiiyey hadyado ay ugu tala galeen.
Waxaana kamid dadkii madaxweynaha la dardaarmay wiil yar 8 sano jir ah kaasoo goobta ka tiriyey gabay uu hore u tiriyey kaasoo dulucdiisu ahayd “Dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane” Anas oo ah wiilkan 8 jirka ah ayaa ku dhashay dalka Ingiriiska mana uusan arag dalkiisa hooye ee Soomaaliya dhammaan waftiga madaxweynaha iyo Jaaliyada ayaa si weyn ugu riyaaqay hadalada wiilkan da’da yar,wuxuuna markale Anas yiri”madaxweyne laguma wada amaani doonee yaan lagu wada caayin”
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho