Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Saraakiil Ka Socotay Hay’adaha QM oo Shalay Gaaray Jowhar oo u Kuurgalaya Xaaladaha Nololeed ee Shacabka Magaaladaas

$
0
0

 

Jowhar(RBC Radio) Saraakiil ka socda hay’adaha qaramada midoobe oo shalay gaaray degmada  Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa kormeero ku tagay goobo dhowr ah oo ka mid ah magaaladaas gudoomiyaha maamulka degmada Jowhar Max’ed Amiin Cismaan Xaaji Caqiil ayaa sheegay in saraakiishani ay ka kala socdaan hay’adaha UNDP & UNICEF  wuxuuna ku sheegay ujeedkooda safarka magaalada Jowhar inuu salka ku hayo u kuurgalid xaaladaha nololeed ee shacabka Jowhar.

Gudoomiye Caqiil ayaa sheegay iney saraakiisha hay’adaha qaramada midoobe ay kormeer ku mareen goobo fara badan oo ku yaalla degmada Jowhar iyagoona qiimeyn ku samaynaya dhibaatooyinka hayta shacabka degmadaas iyo  sida ugu sahlan ee gargaar loo gaarsiin laha dadka ku tabaaleysan Jowhar.

Gudoomiyaha degmada Jowhar ayaa shaaca ka qaaday in shacabka magaalada Jowhar oo aan wax gargaar ah helin sanadihii lasoo dhaafay  ay u baahan yihiin gargaar caalami ah alshabaab oo Jowhar awood ciidan looga saaray 10-kii bishii December ee sanadkii dhamaaday ayaa gabi ahaanba magaaladaas ka mamnuucay dhamaan hay’adihii ka hawlgali jiray magaalada Jowhar.

Waftiga ka socda hay’adaha qaramada midoobe ayaa shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa ku safray gawaari iyagoona ku safra wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo ay la kulmeen intii ay ku jireen socodkooda 90-ka KM.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles