Hargeysa(RBC):- Golaha Deegaanka ee Caasimadda Maamulka Somaliland ee Hargeysa, ayaa la filayaa inay sameeyaan sharci lagu maamulo qashinka magaalada buux-dhaafiyey nadiifintiisa iyo xakamaynta cidda ka baydha nidaamka xashiish-ururinta ama meelaha shaaracyada ah ku daadiya qashinka.
Maareeyaha Shirkadda Tabsan Mahdi Cali Axmed oo Shirkaddoodu ka mid tahay shirkadaha qashin-gurista qaybaha Caasimadda dawladda hoose qandaraaska ku siisay, ayaa shalay u warramay qaar ka tirsan Warbaahinta Hargeysa, isla markaana waxa uu sheegay inay Shirkad ahaan si fiican u wadaan hawlaha nadiifinta iyo qashin-gurka degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa oo ay Shirkaddoodu u xil-saaran tahay. Isagoo Maareeyuhu intaa ku daray inay shirkaddoodu jirtay muddo kooban oo siddeed bilood ah, isla markaana ay muddadaas wax badan qabteen.
Maareeyaha Shirkadda TABSAN Mahdi Cali, waxa uu sheegay inay qaab cusub oo ay shaqaalohoodu u ururiyaan qashinka sameeyeen, isla markaana ay afar iyo labaatanka saacadoodba shaqaalaha iyo gaadiidka Shirkadda TABSAN shaqeeyaan, si ay u gutaan waajibkooda ka saaran nadiifinta degmada ay u xil-saaran yihiin qaybeheeda kala duwan, hase-yeeshee, waxa uu tilmaamay inay jiraan caqabado badan oo dhinaca dadweynaha ay kala kulmaan, isaga oo sheegay inaanay dadku u bislaan qaabka qashinka la isaga basriyo, isla markaana aanay inta badan geynin goobaha ay u qorsheeyaan in Xashiishka lagu ururiyo, ka dibna ay iyagu ka qaadaan, taasoo uu Mahdi xusay inay dhacdo inaanay bilicdu qaabkii ay ugu talo-galeen inay ahaato noqonnin, maaddaama oo aanay degmada oo dhami ka fayoobayn qashinka.
Waxa uu Maareeyaha Shirkadda TABSAN Mahdi Cali Axmed, sheegay inay Guddiga arrimaha Bulshada ee Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa kulan la yeesheen Salaasadii toddobaadkii, kaasoo uu xusay inay kaga wadahadleen qodobbo dhawr ah oo wax lagaga qaban karo caqabadaha dhinaca dadweynaha ka soo food-saarta ee qashin-ururinta la xidhiidha.
“Caqabadahaa jira waxaannu kala hadalnay Guddiga arrimaha Bulshada ee Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, markaannu uga warrannay caqabadaha jira ee dhinaca nadaafadda, wadahadal aannu dhinacyo badan wax kaga eegnay ka dib, waxa uu Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshada ee Golaha Deegaanku noo sheegay inay samaynayaan saddex qodob oo muhiim ah oo wax lagaga qaban karo caqabadaha qashin-ururinta.” Sidaa ayuu yidhi Maareeyaha Shirkadda qashin-gurka ee TABSAN Mahdi Cali.
Maareeyaha oo faahfaahinaya waxa ay kala yihiin saddexdaas qodob, waxa uu yidhi; “Waxay saddexdaa qodob kala yihiin:- 1- In Askar la geeyo goobaha loogu talo-galay in qashinka lagu qubo si aan meelo kale loogu shubin. 2- Inay Gole Deegaan ahaan sameeyaan wacyigelin Bulshada lagaga wacyigelinayo dhibaatada qashinku leeyahay iyo sida la isaga hagaajin karo iyo 3- In La sameeyo Sharci lagu maamulo Qashinka-gurka, waayo? Illaa immika ma jiro Sharci Xashiishka ka yaallaa, taasina waa dhibaatada keenaysa in loo maaro-waayo Xashiishka. Markaa, Sharcigu waxa uu sahlayaa in qofka Xashiishka geyn waaya meelaha loogu talo-galay inuu jiro sharci qabanaya oo qof waliba ogyahay waxa uu mudanayo haddii uu Xashiishka magaalada ku dhex-daadiyo ama dhigo goob ahaan ahayn halkii loogu talo-galay. Markaa, saddexdaa qodobba waa qodobbo aad u muhiim ah oo loo baahan yahay.”
Waxa uu Maareeyaha Shirkadda TABSAN oo la weydiiyey waqtiga qodobbadaas la hirgelinayo uu ku jawaabay oo yidhi; “Waxaannu rejaynaynaa inay sida ugu dhaqsaha badan u bilaabmi doonaan Insha Allaah, waxaana ugu soo horreyn doona sida uu Guddoomiyuhu noo sheegay arrinta wacyigelinta oo bishan-ba ay dawladda hoose bilaabi doonto, qodobka in Askar shirkadaha kala shaqaysa loo helo ayaa ku xiga. Arrinta sharcigana waxa uu noo sheegay Guddoomiyuhu inay dhaqso u bilaabayaan, isla markaana ka baaraan-degi doonaan, ka dibna uu dhaqan-gal noqon doono marka uu Golaha Deegaanka ka soo dhammaado Haddii Illaahay yidhaahdo.”
Maareeyaha TABSAN Mahdi Cali Axmed, waxa uu dadweynaha reer Hargeysa, gaar ahaan degmada Gacan-libaax u soo jeediyey inay ku dedaalaan sidii ay isaga fogayn lahaayeen qashinka, una geyn lahaayeen goobaha loo qorsheeyey in Xashiishka dadweynuhu geeyo, ka dibna ay shaqaalaha iyo gaadiidka shirkaddu ka qaadaan, si loo helo deegaan ka fayow nadaafad-darro iyo wax kasta oo ka dhalan kara Xashiishka oo uu sheegay inuu saamayn wayn ku leeyahay Caafimaadka Bulshada iyo Deegaankaba.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.