Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Burcad Badeeda Soomaalida oo Haysta 2 Markab oo Kaliya Iyo Markabkii Saddexaad oo Ay Madaxfurasho Ku Siidaayeen

$
0
0

Nairobi (RBC) Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa hadda heysta labo markab kaliya ka dib markii ay siidaayeen markabkii saddexaad ee ay afduub u heysteen kaasoo ay ka qaateen lacag fara badan oo madaxfurasho ah oo cadadkeeda la shaacin.

Siideynta markabka MT Royal Grace oo laga leeyahay wadanka Giriiga ayaa timid maalinimadii shalay ee Isniinta ka dib markii ay burcad badeedu heysteen mudo 10 bilood ah oo ku beegan sanadkii 2012.

War saxaafadeed ay soo saareen ciidamada la dagaalanka burcad badeeda ee Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in kooxda burcad badeeda ay qaateen lacag madaxfurasho ah taasoo aan la sheegin vida bixisay iyo tirada lacagtaasi la siiyey burcad badeeda.

Markabka MT Royal Grace iyo shaqaale dhan 20 ayaa ka baxay gacanta burcad badeeda waxaana markabkaasi uu hadda gaaray magaalada Salalah ee dalka Cumaan iyadoo markab kuwa dagaalka oo ay leeyihiin Midowga Yurub uu sii sagootiyey markii ay uu ka baxay gacanta burcad badeeda.

Saraakiisha ciidamada Midowga Yurub ayaa sheegaya in gacanta burcad badeeda ay hadda ku jiraan labo markab iyo shaqaale ajnabi ah oo gaaraya illaa 60 ruux.

Afduubyada kooxaha burcad badeeda ayaa weli la sheegayaa inaysan dhammaanin isla markaana kooxaha burcad badeeda ay awood u leeyihiin inay afduubtaan maraakiib hor leh, walow sanadkii u dambeeyay ay si weyn hoos ugu dheceen weeraradii burcad badeedu ka fulin jireen badaha ee ay ku soo afduuban jireen gaadiidka maraya biyaha caalamiga iyo kuwa Soomaaliya ku dhow.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles