Hargeysa(RBC):- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay walaac xooggan ka muujisay Dhakhaatiirta ajaanibka ah ee goobaha Caafimaadka ah ee Somaliland, isla markaana waxay sheegtay inay baadhitaan ku samayn doonto heerkooda aqooneed, ciddii shaqada ay qabanayso iyo aqoontoodu is-waafiqi waydana ay tallaabo ka qaadi doonto Xukuumaddu.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Maxamed Muxumed (Dr. Xuseen-Xoog), ayaa shaaca ka qaaday inay dabagal iyo baadhitaan ku samayn doonaan Xukuumad ahaan Dhakhaatiirta Ajaanibka ah ee Somaliland u yimaadda ganacsi ahaanta, isla markaana iska xayeysiiya shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM oo farriimo xayeysiista Dhakhaatiirta shaqada u yimaadda dadweynaha ugu dirta Teleefannadooda gacanta.
Wasiirka Caafimaadku waxa uu sheegay in dhawaan Golayaasha Baarlamaanka ansixiyeen Xeerka Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo Dhakhaatiirta madaxa-bannaan, Madaxweynuhuna qalinka ku duugay dhaqan-galka Xeerkaas oo lagu dhiqi doono Xirfadlayaasha caafimaadka ee ka hawlgala Somaliland.
“Dhakhaatiirtaa Somaliland imanaya cidina ma xaddiddo oo ma eegto, waxaana wada-wata dad reer Somaliland, iyaga oo dan dhaqaale u galaya, haddii aad dadkaas la hadashana waxa imanaya muran oo Suldaan iyo dad kale oo Masuuiyiin ah oo aad weji isku leedihiin inaad ku murantaan oo uu hadhawna yidhaahdo waxbaad iiga jeeddaa ayey noqonaysaa.” Sidaa ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen-Xoog.
Waxaanu Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo yiri; “Markaa, waxaannu hadda samaynay sharcigii waxaas xaddidi lahaa hadduu yahay mid reer Somaliland ah iyo hadduu yahay mid Ajaanib ahba, waayo? Waxa annaga xil naga saaran yahay in qofka bukaa ku dhaco gacan aammin ah.”
Mar uu Wasiirku ka hadlayey Xeerka lagu hagi doono Xirfadlayaasha caafimaadka, waxa uu yiri; “Xeerkaas Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtidu way ansixiyeen Xeerkaas lagu xaddidayo arrintaas, Madaxweynuhuna wuu saxeexay, waxaan soo noqodka Madaxweynaha aannu ka rejaynaynaa inuu noo magacaabo Guddidii hawshaas geli lahayd oo ah Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen, Xubnihii kale ee Guddigaasina way noo dhisan yihiin.”
“Markaa hadda ayaannu bilaabaynaa dhammaan waxa Dhakhtar sheegta oo aan xataa anigu (Wasiirka Caafimaadka) ka mid ahay inay shahaadooyinkooda u soo bandhigaan Guddigaas la samayn doono ee aannu filayno inuu Madaxweynuhu magacaabo hoggaankooda marka uu soo noqdo. Laakiin, waa arrin adag in la xaddidaa oo qof iyo laba is-qarsanaya ma ilaalin kartid oo dhibteeda ayey leedahay.” ayuu yiri Wasiir Xuseen-Xoog.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Maxamed Muxumed (Dr. Xuseen-Xoog), oo u warramay Universal TV, waxa uu baaq u soo jeediyey dadweynaha reer Somaliland, waxaanu yiri; “Waa arrin caalami ah inuu qof warqad loo soo qoray uu wax ku iibsado oo laga reebo si aanu dhawr jeer wax ugu iibsan, dadweynahana waxaan ugu baaqayaa inaanay is-ticmaalin oo aanay ku cel-ceshannin dawo mar loo qoray.”
Inta badan Dhakhaatiirta laga xayeysiiyo Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Shaashadaha TV-yada qaarkood ayey Somaliland keenaan dad reer Somaliland ah, kuwaaso intooda badani xarumo Caafimaad ku leh magaalada Hargeysa, waxaanay Dhakhaatiirtaas kuwooda ugu badani ka yimaaddaan dalka Itoobiya iyo qaar ka mid ah waddamada kale ee Afrika sida Kenya, Sudan, Masar iyo kuwo kale.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.