Hargeysa(RBC):- Guddiga Fulinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa maanta doortay Guddoomiye ku-xigeen cusub, ka dib markii ay jagadaas oo uu iska casilay Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Ururkaasi.
Sida lagu sheegay War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ururka SOLJA, Guddoonka iyo Guddiga fulinta ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa fadhi ay maanta yeesheen, waxay si qoto-dheer ugu lafo-gureen waxyaabaha muddadii ay xilka hayeen Ururka u qabsoomay, arrimaha aan waxba ka suurto-gelin.
Kulankaas oo ka qabsoomay maanta xarunta guud ee Ururkaasi ku leeyahay magaalada Hargeysa, waxay Guddiga fulinta SOLJA ku doorteen Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka oo muddo dhawr bilood ah bannaanaa, ka dib markii uu xilkaa iska casiley Guddoomiye ku-xigeenkii hore Saleebaan Ibraahin Maxamed. Waxaanay maanta Guddiga fulinta SOLJA u doorteen inuu jagadaa buuxiyo Maxamed Cabdi Guuleed (Curad).
Fadhiga hogggaanka iyo xubnaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo uu guddoominayey Guddoomiyaha SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, waxa goob-joog ku ahaa Toban xubnood oo ka tirsan Guddiga fulinta, waxa kaloo dood iyo xog-waraysi dhinacyo badan leh laga yeeshay xaaladda guud ee Ururka SOLJA iyo gebi-ahaanba duruufada kala geddisan ee waqtigan ku geddaaman Saxaafadda iyo Suuxufiyiinta Somaliland.
Intii falaqaynta arimaaha lagu gudo-jirayna, waxa aad looga hadlay mushkilado ay kamid yihiin xeerka Sirdoonka Qaranka ee dhowaan Golayaasha xeer-dejintu ansixiyeen Madaxweynuhuna saxeexay, kaasoo dhaqan-gelintiisa kadib markii Suxufiyiinta ka qayliyeen Ururka uga hawlgalay si xeegana-xeego u noqoto ilkona u nabadgeli lahaayeen labada dhinacba.
Hoggaanka Ururka (Guddoomiyaha iyo Xoghayaha guud), waxa xubnha Guddiga fulinta warbixinno kooban ka siiyeen hawlihii ay qabteen muddadii xilka ay hayeen, kuwaasoo ay ka mid ahayd bixinta deyno badan oo Ururka lagu lahaa, iyagoo sidoo kale xusay jiritaanka qorsheyaal badan oo hirgelintooda ay ka gaabiyeen, walow arrimaha qaarkood ka baaqashadoodu ahayd cillad sababteeda aanay iyagu waxba ku lahayn. Sidoo kale, waxa intii fadhiga lagu jiray la-is-hogo-tusaaleyay jiritaanka gefaf mararka qaarkood dhinaca Saxaafadda.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.