Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madxweyne Faroole: Soomaali oo Midowda Markale darteed ayaanu Heshiiska u aqbalnay.

$
0
0

Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud faroole ayaa sheegay in Soomali oo isku timaada si wada jir ahna wa u wada qabsata darteed ay makale Dowlada Soomaliya Heshiis 7qodob ka kooban ay ula saxiixdeen si aan loo oran Soomaaliya Wali tafaraaruq iyo Is qabqabsi ayaa ka taagan mar uu Maanta ka hadlayay Xarunta Madaxtooyada xili lagu guda jiray Saxiixa Heshiiska ay gaareen 2da dhinac.

 

“  Waxaan ku faraxsanahay Heshiiska Taariiqiga ah ee aan la galnay Madaxda ka socota Dowlada Federaalka, waxaa xaqiiq ah in Lays dilay lays dhacay lays gumaaday la qaxay oo Soomaali uu soo gaaray Jab wayn hadana waxaa inoo muuqatay in waxaas laga noqdo xalay dhalay laguna midoobo Midnimo daacadnimo iyo Iskaashi waara Puntlandna horay ayeey ugu taaknayd soo celinta Midnimada Umada Soomaaliyeed hadana taa wey sii xoojinaysaa, waxaa taa daliil u ah Shirarkii ugu dambeeyey ee Garoowe lagu qabtay waad ogaydeen in lagu soo yagleelay Dastuurka ay hada ku shaqeyso Dowlada Soomaaliyeed sidaa darteed waxaan rajeynayaa in aan si wada jir ah u ilaalino heshiiska aan wada galnay Soomaaliyana ay dib usoo ceshato Sharaftii iyo Sumcadii ay Caalamka intiisa kale ku lahayd Ra’iisul-Wasaarahana waa mahadasan yahay, sidaana waxaa yiri Madaxweyne Faroole.

 

Imaanshaha Puntland ee Ra’iisul-wasaare  Saacid ayaa meesha ka saartay hadal hayn badan oo ku aadanayd in uu gabi kasii laad-laado Xiriirka DFS iyo Puntland u dhexeeya  inkastoo ay jireen Hadalo kulul oo Saxaafada ay u mariyeen Madaxda Puntland  Dowlada Soomaliya oo ay ka mid ahayd in lagu xadgudbay Dastuurka, iyo inaan Deeqaha lagu helo Magaca Soomaaliyeed aan waxba laga soo gaarsiin Puntland waxaana xaaladu sii xumaatay kadib markii Puntland ay kasoo horjeesatay Cunaqabataynta Hubka oo soo maaliya laga qaado,waxaase hada ay 2da dhinac ku kala tageen Heshiis dhab ah inkastoo la sugayo ka dhabaynta Qodobadii lakala Saxiixday ama lagu heshiiayay.

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka  Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles