Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xukuumadda Soomaaliya oo Shaaca Ka Qaaday Inay Bedeleyso Lacagta Shilin Soomaaliga Iyo Ganacsatada oo Lagu Eedeeyay Inay Dhaqaalaha Dalka “Qarribaad Ku Yihiin”

$
0
0

Muqdisho (RBC) Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyada iyo qorsheynta dawlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xasan Aadan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in dawlada ay dhowaan dalka keeneyso lacag cusub oo Shilin Soomaali ah taasoo guud ahaan lagu bedelayo lacagta shilinka ee hadda dalka laga isticmaalo.

Wasiir ku xigeenka ayaasheegay inuu la yaabay in ganacsato urursadaan lacagta shilinka iyadoo dawladu ay qorsheyneyso inay dhowaan bedeleyso.

“Caqli ahaan wax shaqeynaya ma ahan, wax dhaqaalaha uu qabana ma ahan in shey dhacsan oo laga guurayo inaad bakhaar ku xareysato.” ayuu yiri wasiir ku xigeenka oo maanta wariyaasha kula hadlay xafiiskiisa magaalada Muqdisho.

“Dhowaan xukuumad ahaan kuma qanacsanin lacagta hadda jirta, waana ku qasbanahay inaan ka guurno.” ayuu sii raaciyey wasiir ku xigeenka.

Wasiir ku xigeenka ayaa cadeeyay in ganacsatada suuqa Bakaaraha ay bilaabeen inay lacagta shilinka ku keydsadaan bakhaarada taasoo ahayd sababtii dhalisay in maciishada dadka ay khatar gasho labadii toddobaad ee la soo dhaafay ka dib markii hoos u dhac uu ku yimid qiimaha sarrifka lacagta qalaad, isla markaana qiimaha waxyaabaha daruuriga ah ee ay cuntadu ku jirto ay sare u kacdo.

Wasiir ku xigeenka wuxuu ku eedeeyay ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha inay qarribaad ku hayaan dhaqaalaha dadka iyagoo xayiraad ku sameynaya lacagaha shilinka taasoo ah sababta ugu weyn ee qalqalka gelisay nolosha dadweynaha maalmihii u dambeeyay.

“Suuqa Bakaaraha waa meesha isu dheelitirta dhaqaalaha guud ee dalka waana ku faraxsanahay inuu sidaas noqdo, laakiin hadda sida wax u socdaan ma ahan wax la aqbali karo.” ayuu yiri wasiir ku xigeenka maaliyadda iyo qorsheynta dawlada federaalka Soomaaliya.

Hadalka wasiir ku xigeenka maaliyadda iyo qorsheynta ayaa ku soo beegmay iyadoo xaalada nololeed ee dadka Soomaaliyeedee ku nool gudaha dalka ay si weyn hoos ugu dhacday toddobaadyadii u dambeeyay ka dib markii uu hoos u dhacay sarrifka lacagta doolarka sarena ay u keceen qiimaha waxyaabaha daruuriga ah sida raashiinka.

Xaaladan ayaa keentay inay afka furtaan dadka danyarta ah ee Soomaaliyeed ee aan awoodi karin inay la tacaalaan xaaladan soo foodsaartay noloshooda, waxaana sidoo kale ka qeyliyey dadka muruqmaalka ee nolol maalmeedkoodu ku xiran yahay shaqo maalmeedka.

Dawlada oo raashiin dalbatay

Dhowaan waxaa arrinta ka hadlay madaxweyne Xasan Sheekh oo caalamka weydiistay in raashiin deg deg ah lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in raashiin la’aan ay dalka ka jirto.

Laakiin guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ku eedeeyay ganacsatada inay ka tirsan yihiin ururka Al Shabaab, isla markaana ganacsatada ku lugta leh arrintan ay yihiin qaar Al Shabaab ah oo markii dagaalka looga guuleystay u soo wareegtay dagaal dhanka dhaqaalaha ah.

Guddoomiye Tarsan ayaa ka digay in dalka ay markale ka dilaaci doonto macluul haddii dawlada aysan qaadin tallaabo deg deg ah oo dadweynaha looga samatabixinayo arrintan.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles