Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

DEG DEG: Raysul Wasaare Saacid iyo Wafti uu Hogaminayo oo Goordhow Gaalkacyo Soo Gaaray

$
0
0


Gaalkacyo[RBC Radio]Ra’iisal wasaaraha xukuumada fadarelka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shardoon “Sacaai”iyo wafti uu horkacayo oo ay kamid ahayeen wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka ,wasiirka maaliyada iyo xubno kale oo xildhibana ah ayaa galinkii danbe ee maantay soo garay magaaladda Gaalkacyo.

Wafitiga oo casar liiqi kasoo dagay garoonka diyaaradaha Cabdulahi Yuusuf Axmed ee magaaladda Gaalkacyo ayaa waxaa halkaasi uga hortagay boqoolal dad waynaha ah iyo maasuliyin ugu saraysa ee maamulka Galmudug oo uu horsocday madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) iyo xubno kale oo golaha wasiirada Galmudug ka tirsan.
Waftiga ra’iisal wasaaraha ayaa xiligii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha waxaa loo galbiyay xaruunta madaxtooyada Galmudug halkaasi oo ay kasoo jeediye hadalo soo dhawen ah.

Madaxwayenaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid)oo hadal kajeediyay madasha ayaa sidiiran usoo dhaweyay ra’iisal wasaaraha iyo waftigisaan ee maantay soo garay magaaladda Gaalkacyo gaar ahan dhanka koonfured oo maamulka Galmudug u ka arimiyo,Qaybdiid ayaa sheegay in dadka reer Galmudug ay siweyn ugu oo manyihiin dowladd nimada soona dhawaynayaan dowladda faderaalka ah ee uu hogamiyo madaxwayne Xasan Sh.maxamuud.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”ayaa isna madasha hadal uu kajeediyay ku sheegay inuu si ad ah ugu farax san yahay soo dhaweynta loo sameyay uu anaa arkayo in reer Galmud ay yihiin kuwo uhamum qaba dowladdanimada.

Waftigaan ayaa kulamo laqadanaya madaxda ugu saraysa ee Galmud iyadona waftigu uu caawa ku dhaxayo magaaladda Gaalkacyo gaar ahan dhanka Galmudug.

Waftigaan ayaa galabnimadi maantay kasoo anba baxay magaaladda Garoowe ee xaruunta Puntland halkaasi oo hishidyo ay kula soo galeen maamulka Puntland.
Warkan oo faah faahsan gor dhoow ayaan soo dabacayena iyo sawirradi soo dhawenta waftiga

Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio Xafiiska wararka Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles